Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Abiy Axmed ILkihi Waa Laga Daadiyey .. Khiyaamadi U Waday Iyo Duminta Somaliya Waa Ka Fashalantay .. Wiiga Maanta Gobolka Tigreyga Waa La Xoreeyey

Monday - June 28, 2021




Mekele – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa shalay si hal-haleela uga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay gudaha u soo galeen .. Xooggaga Tigray ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen guud ahaan magaalada Mekelle saacado kadib markii ciidammada dowladda federaalka ay isaga baxeen magaaladaas .. sido kale ciidamadi itoobiyaanka ee inta badan horay uga qabsaday xoogaga Tigreyga ayaa iminka magaala kasta faaruqiyey

Is-bahaysiga Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray. Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka, waxayna maalinba maalinta ka dambeysa qabsanayeen magaalooyn cusub oo ka xoreynayeen ciidamadi Dawlada Fedaraalka

Waxaa hadda magaalada Mekele ka socda dabaaldegyo iyo mashaxarado lagu soo dhaweynaayo jabhadi soo gashay magaalada .. Shacaabki Tigreyga meel kasta ay joogaan waa feesteynayaa oo meel kasta xabado tacshrado ah ayey ku seyrinayaan

Raiisal Wasaare itoobiya oo yaaban ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in ay taas tahay quus laga rajo dhigay hamigi waalaa ee u ku riyoonaayey Abiy Axmed ee la xariiray inu itoobiya ka noqdo Boqor, isla markaana Dekadaha somaliya ay maraakiibtiisa ku soo xirato