Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Daahir Yaa Shamis .. ILhaan Cumar Oo Beenti Villa Somaliya Bud Dhigtay .. Dawlada Mareykanka Oo Cadeysay In Ciidamo Somaliya Gudaha U Galeen Gobolka Tigreyga

Friday - July 2, 2021


Kongresman, ILhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray.

Mr. Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,” ayuu yiri .. ILhaan ayaa mar kale weydiisay Mr. Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Horay Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegayo in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea, hasa-ahaate Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan guddi u saaray arinta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea, kadib markii ay badatay cabashada ay muujinayaan qaar kamid ah waalidiinta raggaas, gudigaas oo illa hadda aan laga hayen wax wara