Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Itoobiya Waa Dhuun-yeerisay .. Goboladi Waa Kuwaas Qaatay Qorigi Ee Meel Walba Ka Dilaacday Jabhad Goboleed .. Abiy Axmed Waa Kan Xabaal Qotaye Muxuu Qalday

Monday - July 5, 2021




Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo-aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaarta ..  qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi, balse waa in aad fahmi-kartaa sida looga fekero ee loogu nool-yahay meesha aad ku uuman-tahay .

Abiy Axmed bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray dagaalki Badame ayaa waxa uu qaatey go'aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu halkaas ku soo af-jaray colaad ku dhaweyd sodon sano jirsatay .. Waxa uu la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday, waxa uu sii daayey maxaabiistii siyaasada u xirnaa oo kumayaal ahaa, talaabadaasna waxa ugu jirey dawladiisa dhawr faaiido iyo khatar intaba isugu jirey.

1- Ereteria waxa ay ahayd xudunta mucaaridka Ethiopia oo qoomiyad walba leh oo jabhado fadhiyaan waliba taageero ay la garab taagneyd dawlada Erateria taasi oo halis ku ahayd jiritaanka nabada Ethiopia, heshisyadaas oo soo dhaweysay xasiloonidi itoobiya, dhinaca kale taas waxa ay jiheysay kacdoonkii gudaha dalka ee qoomiyada Oromada oo horay u joogsan waayey, iyo guux badan oo ka jirey dawlad goboleedyada Ethiopia in uu soo yaraado, oo uu yimaado aragti kale oo cusubi, isla marka waxa ay isbadel aan la fileyn ku sameysay siyaasadii Ethiopia ee sida wax isaga badelaan ay adkayd oo u dhaqaaqday dhinaca fur-furnaanta iyo nabad kuwada noolaansho gobolka ah .

Hadaba Maxaa khataro ku dhex jirey heshiiskaa Erateria iyo sii daynta Maxaabiista siyaasadeed iyo soo xero-galintii jabhadaha?
Sadex arimood waxa ay si toos ah uga hor imanayeen aragtidii iyo siyaasadii xukuumadii EPRDF ee TPLF garwadeenka ka ahayd intaniba waxa ay khatar ku noqdeen qoomiyada Tigray maamulkoodii oo u arkayey: Dhulkii Ethiopia iyo Erateria ay ku dagaalamayeen in uu yahay dhul Ethiopia leedahay oo ay gaar ahaan qoomiyadoodu xaq u lahayd kuna xoog iyo xoolaba beeleen in dhayal la isaga bixiyey iyo  Jabhadaha ay dagaalka kula jireen 27 ka sanadoodba oo lala heshiiyey waxa ay tustay in iyaga loo jeedo oo aragtida Abiy Ahmed tahay raad sameysasho iyo raad masaxid wada socda oo ku lid ah qoomiyada Tigray.

Talaabooyinka intooda ugu badan markii uu Raisal wasaare Abiy Ahmed qaadayey caalamku dhamaan way ku garab taagnaayeen waana lagu bogaadiyey waxa uu u muuqday qorax Geeska Africa ka soo baxday oo la wada arkay .. Laakiin Halkaasi iyada oo la isla marayo ayaa qoomiyada Tigray laga sifeeyey taladii dalka oo dhamaantood lagu suntay waxii Ethiopia ka dhacay qaladaad 27-ka sanadood ee ay talinayeen madaxda ka soo jeedaa in iyaga madaxa loo saaro, waxa markiiba bilaabmay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsanayo saraakiishii Tigray, dabadeedna way colaad qaateen waxaana ay isku urursadeen gobolkoodii si ay uga badbaadaan qorshaha Abiy soo degay ee ah in Ethiopia oo dhan farta loogu fiiqo iyaga wixii xumaan dhacday.

Abiy Ahmed muxuu qalday?

Dagaalkii uu ku qaadey Tigray ayaa noqday dabinkii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee uu ku dhaco, waliba isaga oo isku dhiibey qoomiyada amxaarada oo ay xad la leeyihiin Tigray, taasi oo u eeg aargoosi siyaasadeed in ay rabeen amxaaradu oo ay ka soo gudanayaan intii ka dambaysay taliskoodii Dergiga wixii ku dhacayAduunku waxa uu guud ahaan ka soo horjeestay dagaalka gobolka Tigray oo barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur aan yareyn sababey kaasi oo ay ka qayb galeen dhowr wadan oo huwan ahi si loo xanuujiyo dadka gobolkaasi oo cidiba dano gaar ah u daba socoto.

Isku soo wada-xoori Abiy Ahmed waxa uu qalday ;
1- Abiy Axmed oo ah macangag aan talo lahayen dagaalka ayuu u fahmay in uu qoriga oo kaliya iyo awooda kursiga yahay, waxaanu kaba fekerin dagaalka diplomaasiyadeed oo uga yimid dhinaca Reer Galbeedka iyo saameynta u ku yeeshay dhaqaalihi dalkiisa

2- Abiy Axmed dad wada aargoosanaya ayuu isku wareejiyey oo dhiig faraha u galiyey, dalkii  Ethiopi-na maqaamki ay ku lahayd dunida dacaladeeda waa u wiiqay, taaso dhalisay in gobolkasta tooso xariga goosto hubki qaato oo ku dhawaaqo madax-banaani .. Gabagabo Abiy Axmed dhooqo aanu ka bixi-karin ayuu maanta dhex baraaqsaday .. Itoobiya waa dhuun-yeerisay