Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Habkii iibka Xoolaha Somalida Waa La Fududeeyey .. iibka Xoolaha Somalida Iyo Qiima Sareeya Oo Si Xawli Ah Uga Socda Suuqyada Imaaraadka Carabta

Friday - July 9, 2021



Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad.

Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka marisay tijaabo caafimaad oo qaadatay waqti badan, kadibna

Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka Soomaaliya” laga qaado ee yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266).

Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda.

Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka gooracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta.

Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da iyo Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah xoolaha.

Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka iyo gudbinta Xoolaha ay doonaan, xafiisyo kala duwan ayay shirkadaha ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn.

Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin.