Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Gaashaan-Buurta NATO Oo Ka Hinaastay Miiga Shiinaha Galgalanaaya Iyo Gujiska Quusaya .. Haatan Mareykan Iyo Shiino Xas Ayey isugu Jiraan Iyo Xeelad Dhabar Weyn

Sunday - July 11, 2021



Beijing – China ayaa maanta wacad ku martay inay wax walba oo dhinaca mareykanka ay ka sameyn-doonaan aargudasho, waxayna sheegtay inay si xooggan uga soo horjeeddo in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xad-gudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari.

Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha oo caro la abruneysa ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo caburin aan sabab laheyn oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha.

Beijing waxay qaadi-doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay.

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay inay ku lug leeyihiin xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang .. Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo.

Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka.