Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kala Carar Caruurti Kenya .. Ninki Dilaaga Ahaa Ee Caruurta Dhiiga Ka Jaqa Intaanu Dilin Oo La Qabtay

Friday - July 16, 2021




Booliska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 20 sano jir lagu tuhunsanyahay inuu dilay ugu yaraan 10 carruur ah .. Ninkan oo qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala,wuxuu saraakiisha booliska u sheegay in meelo kala duwan uu geeyay meydadka dhibanayaashii uu dilay.

Waaxda dambi baarista ayaa barta twitter-ka ku daabacday warbixin ku saabsan sheekada ninkan iyo sida uu u fulinayay dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta ..Qoraalka booliska ayaa lagu yiri: “Dad-cunkn wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan” waxay
booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo.

Booliska dembi-barista ah ee Kenya, ayaa sheegay in habka uu dilalka u sameyn jiray ninkan ay tahay mid naxdin leh. Wuxuu qirtay inuu “ceejin-jiray carruurta isaga oo isticmaalaya sun kiimiko ah, ka hor inta uusan dilin,” waa sida ciidanka laga soo xigtay .. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in “dhiiga uu ka dhuuqi jiray carruurta”.

“Ninkan xun ee sida qarsoon dilaaga u ahaa, wuxuu laba wiil ka afduubtay Kitengela iyo Mlolongo. Wuxuu u dhigay shirqool dil, wuuna ceejiyay, ka dibna wuxuu maydkooda ku tuuray bullaacad. Weli maydadkooda lama helin”, ayey qoreen booliska baaraya dembiga ninkan ku eedeysan yahay.

Maydadka laba ka mid ah dhibanayaashii uu dilay ayaa laga helay deegaanka Kabete, oo ku taala agagaarka magaalada Nairobi .. Waxaa sidoo kale isla deegaankaas shalay laga soo helay mayd kale oo la sheegay in uu ka mid ahaa carruurtii uu dilay ninkan la tuhunsan yahay.

“Maydadka oo dhan way wada dhan yihiin; qaybna kama maqnayn balse maydadka wey qurmeen,” Ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Nairobi, Augustine Nthumbi.

Waalidiinta wiilasha maydadkooda la helay waxay booliska u sheegeen in la waayey saacado ka dib markii ay ka soo laabteen iskuulka .. Mid ka mid ah waalidiinta wiilasha maydkooda la helay oo lagu magacaabo Tony Opindo ayaa sheegay in wiilkiisa uu fasalka lixaad ee iskuulka hoose ee Sagaret dhiganayay, uuna ku ciyaarayay banaanka gurigooda markii la waayay abaare 7:30 fiidnimo.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu falalka la xiriira dilalka in uu bilaabay asaga oo 16 sano jir ah. Xilligaas wuxuu dilka ku billaabay gabar 12 sano jir ahayd oo ka soo dhuntay magaalada Machakos oo 54km u jirta Nairobi, caasimadda Kenya.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay weli wadaan su’aalaha ay weydiinayaan ninkan, si loo helo meelaha uu ku aasay maydadka carruurtii uu dilay .. Baarayaasha kiiskan ayaa sheegay in ninkan uu u sheegay in carruurta uu u raaci jiray xarumaha ilmaha lagu ciyaarsiiyo.

Masten Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay waddada Kitengela ee caasimadda Nairobi, ka dib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in isla wadadaas lagu waayay laba carruur ah.

Kiisaska afduubyada la xiriira carruurta ayaa ku badanayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booliska ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan carruur badan, balse kuwa badan oo ka mid ah waxaa la helay maydadkooda.

Booliska ayaa dhowaan sameeyay ciidamada gaar ah oo loo xil saaray ka hortaga kiisaska afduubyada ee ku soo badanaya Kenya, xilli ay waaxda dambi baarista sheegtay in arrintan ay khalkhal-gelinayso amniga guud ee dalka.

“Dilaagan oo aan ka qoomameyneynin ficilladiisa wuxuu dembi-baareyaasha u sheegay in uu aad ugu farxi jiray dilka carruurta”