Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Dhawaaq Gubaabo Ah Oo Ka Soo Baxaya Siyaasiyiinta Amxaarada .. Dagaal-yahanka Tigrey Oo Duulaan Ku Ballaariyey Dhulka Amxaarada

Sunday - July 18, 2021




Addis Ababa- Dagaal-yahan ka tirsan Xoogaga Tigreyga, ayaa weli si ballaaran weerrero ugu qaadaya dhulka ay sheegtaan ee ay horay Amxaaradu ugu habsatay .. Arrintan ayaa sababtay in hogaamiyayaasha Amxaarada ay qaylo dhaan ka sameyaan oo ka codsaday maleeshiyada deegaanka itoobiya sida is-maamulka somalida inay u soo gurmadaan oo ay is abaabulaan, si la isaga difaaco dagaal-yahanka Tigray ee TPLF ee duulaanka wada

Sida ay shaciyeen warbaahinta maxaliga ah qaarkood, Duulaanka, ayaa sare u qaaday suurtagal-nimada dagaal dhiig badan ku daato oo ku faafa gobollada dalka Ethiopia ee u kala qaybsan qowmiyadaha, kaas oo sii xoojinaya kala qaybsanaanta qowmiyadeed iyo siyaasadeed ee Ethiopia oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Siyaasiyiinta Amxaarada, ayaa jeedinaya baaqyo ay ku guubaabinayaan shacbiga Amxaarada, iyagoo ku dhiirinaya maleeshiyada ku sugan gobolka inay fadhiga ka kacaan oo is abaabulaan, isla markaana is hubeeyaan si ay isaga celiyaan waxay ugu yeereen caddaw kusoo duulay oo ay ula jeedaan TPLF.

Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigray ee (TPLF) oo dhowaan dib u qabsaday gobolka, kaddib siddeed bilood oo dagaal dhiig badan ku daatay, ayaa wacad ku maray  in ay dib ula wareegayaan dhammaan xuduudihii gobolka ee qowmiyada Tigray ay  ku waayeen dagaalladii dhexmaray ciidamadda Ethiopia ee dawladda Federaalka oo taageero xulufo ka helayay ciidamadda dalka Eriteria iyo malayshiyaadka Amxaarada.

Xaallada dagaalkan, ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu horseedo qalalaase ku baaha gobolka oo dhan, isla markaana sababto in ay malaayiin qof ka barakacaan guryahooda, iyadoo dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii dhawrka bilood socday si weyn u saameeyay nolosha malaayiin qof, halkaas oo sida ay sheegayaan hay’addaha qaramada midoobay dad gaaraya Afar Milyan gar-gaar deg deg ah u baahan yihiin, halka ay ku dhowaad laba milyan oo kale ka qaxeen hoygooda tan iyo markii ay collaadu ka bilaabantay gobolka Tigray siddeed bilood ka hor.