Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hubsiimo Hal Baa La Siista .. Qiiso Dhex-martay Gabar U Dhalay Imaam Axmed IBnu Xanbal Iyo Imaam Shaafici

Tuesday - July 20, 2021



Imaamu shaafici ayaa habeen marti u noqday Imaam Axmed Inbu Xambal oo ardayda Imaamu Shaafici ka mid ahaa, gabar uu dhalay Axmed Ibnu Xambal ayaa habeenkii oo dhan soo jeeday oo is lahayd bal ogow Imaamu shaafici waxaa uu caawa sameeyo, waxayna rabtay inay qaab nololeedkiisa wax ka ogaato si ay ugu dayato, una hesho sababta ay dadka oo dhami u hadal hayaan, Aabaheed Axmed iyo dadka kaleba waxay ka maqli jirtay iyaga oo leh: Imaamu shaafici ayaa saa yiri!

Gabartaasi oo u dhalay imaam Ibnu Cambal habeenkii may seexan waxayna u fiirsanaysay waxa uu sameeyo Imaamu shaafici .. subaxii ayay Aabaheed u timi oo ku tiri: Aabow ninkan saddex wax oo layaab leh ayaan ku arkay, markaas ayuu yiri maxay yihiin, waxay tiri :

1. Xalay cuntadii muu soo hanbayn oo wuu laastay, dabcan dadkii hore saas dhaqan uma ahayn, qofka martida ahna cuntada qayb ayuu soo hanbayn-jiray si loo garto in uu dhergay, qofka martida ahna hadduu cuntada laasto ceeb ayay ku ahaan-jirtay cidda marti loo yahay sababta oo ah waxaa laga dheehan jiray in uusan qofkaasi dhergin.

2. Xalay wax Salaatu layl ah muu tukan, dadkii wanaagsanaa ee horena kamay tagi-jirin inay habeenkii cibaadaystaan.

3. Saaka Salaadii subax uma uusan waysaysan siduu iskaga hurday ayuu kacay horayna ka galay Salaaddii subax.

Axmed ibnu Xanbal ayaa warbixintaas gabadhiisa sheegtay uu soo aaday xagii Imaamu Shaafici waydiiyey saddexdan arimood .. Imaamu shaafici wuxuu arintaas kaga jawaabi sida tan :

Tan Kowaad waxuu ka yiri: Caloosha ayaa leyga haayey waxaana daawo uga dhigaayey raashinka xalaasha ah ee aan ka cunaayey guriga iimaamu Axmed binu Xanbal taana jaahilnimo igama aheyn ee daawo ahaan baan ka dhiganaayey sidaana ayaan u cunaayo maadama daawo lagu sheegay raashinka xalaasha ah

Gabartii way ka qanacday suaashii koowaad iyadoona hadana weydiisay waxa uu Salaatu-leylka u Tukan-waayey maadama uu yahay Sheikh-Weyn markaa buu Iimaamu shaafici ugu jaawabay markaan tukan rabay salaadu-leylka ayaa ley horkeenay axkaan aad leysugu heystay waxaana rabi ii sahlay in aan masaladii helo daaweynteeda marka Salaadu-leylka waa suno lakiin arin waajib ah oo dadka diintooda u ifitimineysaan ku mashquulsanaa, Gabartii Axmed Binixanbal dhalay aad bay uga qanacday

Waxay kale ay weydiisay suaashii 3-aad oo aheyd sabatoo isagoon weyseysan uu salaada subax u Tukaday maadaama uu jiiftay loogana baahan yahay qofka jiifta weyso Markaa buu Imaamu shaafici xafuduhuma-laah uga jaawabay gabartii Axmed Dhalay waxuuna imam Shaafici yiri ma jiifan aniga xalay dhan waxaan xafidaayey 7000 oo xadiis iyo macnahooda anigoo xafidaya ayaa waagii igu baryey sidaana waa ku dukaday maadaama aan hurdin

Gabartii uu dhalay Imaamu Axmed aad bay ugu qanacday dhamaan jawaabii waxayna garaawsatay in ay runtahay waxa uu ku tilmaamay aabahed ee ahaa in uu yahay Imaamu Shaafici Sheikh Caalim ah oo cilmigiisa uu yahay mid said ah

Arintaa gabarta sameysay waxaa laga qaadanayaa wax walba inaad hubsato waxaan hubaa Islaamka hada jira in ay kula deg deg lahayeen waa gaall iyagoon wax hubsan marka waa waajiib wax walba intaadan xukumin in aad qofka weydiisid .. Soomaali ayaa horey ugu maah maahday Hubsiino hal ba ala siistaa.