Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Belooy Maxaad Tarta? Nin Iska Deganaa Baan U Khaa-yaraa Oo Waxaanu Ka Warqabin Ciribtooda Dambe Ku Dhaqaajiya .. Abiy Axmed Ee Fuushana Faraski Waalayey Oo Gabalki U Dhacay Iyo Waabari Ibliis

Saturday - July 24, 2021




Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray .. Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya, waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah, sido kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray

Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr todobaad ka dib, laakiin Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed;
1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo shucuubta Tigreyga .
2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo.

3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xir-xiran ooda ka qaado , oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qof-waliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.

4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xiriirada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo.