Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Qiiso Mudan In La Akhriyo .. Hooyo Waayeel Noqotay Oo Wiilasheeda Imtixaan Ka Qaaday Sey Nolosheeda Inta Ka Hartay Ay Midkood Ugu Wareegto

Thursday - July 29, 2021



Waxaa jirtay hooyo dhashay Sadex Wiil ..  Sadexdi Wiil wey guursadeen, hooyana wey duqooday waxayna qaadatay Go'aan ah iney intixaan ka qaado Sadexda Wiil si ay xoolaheeda iyo nafteeda ugu aaminto midki ku guuleysta imtixaankeeda.

Waxay ka bilooday midki ugu weynaa,waxayna timid xaafadiisi weyna la hoyatay habeenki .. aroorti ayeyna xaaskiisi ku tiri: Hooyo weeso ii keen, marki ay keentay biyihi ayey ku weysasatay, kadibna inti soo hartay ku shubtay Furaashki ay xalay ku jiiftay, kadib waxay u yeertay gabadhi waxayna ku tiri Hooyo gogosha waan ku kaadshay oo waxaan ahay waayeel marka maandhey iska dul-qaado ..  Gabadhi iyado wajiga kaduudeysa bey canaanatay sodohdeed aad beyna ugu xanaaqday, waxay ku tiri: mar dambe ha ku kadinin gogosheyda.

Maamadi wey iska baxday waxayna aaday gurigi Wiilkeeda labaad ee ki hore da'ahaan ku xigay waxayna sameysay inti ay gabadhi hore ku sameysay, waxay tan dambe dheereyd wey ku qaylisey habarti oo ceebeysay oo haddana u sheegtay ninkeeda, isaguna kama usan xanaaqin oo ma canaanan qaylada xaaskiisa.

Maamadi wey baxday oo markaan u tagtay midki ugu yaraa wiilasheeda gurigiisa, waxayna sameysay isla intii ay ku sameysay kuwi hore .. marki ay u yeertay gabadhi oo ay ku tiri: Hooyo waxaan ahay waayeel oo waxaan xalay ku kaadshay gogoshi ee Raali ahaada ayey gabadhi tiri: hooyo dhib ma leh see kugu xanaaqnaa imisaad na soo koriseen, imisa dhabtiina ku kaadinay imisa noo saburteen , hooyo dhib ma leh gurigaani iyo caruutaadi baad la joogta oo hooyo Kaadidaada halkaan waa u caraf

Hadaba intaas ka dib waxay isugu yeertay Wiilasheedi, waxay u sheegtay in ay imtixaan ka qaaday Sadexda ayna heshay Gurigi ay nafteeda iyo xoolaheeda ku aamini-lahayed, waxayna hantideedi iyo ducadeedi waxay ku wareejisay wiilki ugu yaraa reerka.

Dulocda iyo ujeedada qisadaan waa xaaska wanaagsan waa halka ragu isku dhaafo, waxaana jirta maamaah somaaliyeed oo oraneysa: ninki kaa naag fiican weligaa ma gaartid