Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Kana Doortay Kana Diiday Doorkaan Anigaa Leh .. Qoor-Qoor Dun Baa Meel Ugu Xiran Weli .. Xaaf Iyo Cabdi Qaybdiid Deyaanka iyo Digta Ka Baxeysa Siigadey Ku Hafteen

Monday - August 2, 2021



Madaxweynihii hore ee Maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu maanta gaaray Magaalada dhuuso-mareeb Ee caasimada Galmudug ..  Xaaf oo taagan xilka  musharaxnimada aqalka sar waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Ciidamo hubeysan oo watay hub culus .

Xaaf ayaa waxa uu tartan adag la geli doonaa Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb diid) oo hadda kursiga loo tartami doono ku fadhiya .. labadoodana waa kala jufo oo Xaaf wuxuu ka soo jeeda beesha Cabdalla, halka Cabdi Qaybdiina oo yahay reer hiloole

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo isagu dun meel ugu xirantahay ayaa waxa uu dhawaan soo gudbin doonaa liiska murashaxiinta u tartameysa Aqalka sare iyadoo laga yaabo in Xaaf laga reebo murashaxiinta .. Xaaf wuxuu isagu ku doodaya in wixii wax doonaya tartanka la galiyo ee aan si gaar wax loo xulan

Qoor qoor iyo Xaaf ayaa dagaal muddo uu ka dhex jiray waxayna taas sababi kartaa in uu hor istaago hamiga aqalka sare uu doonayo Xaaf