Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xil Waxaa Loo Dhiiba Nin Gudankara Xaajana Nin Gudankara, Xoolana Nin Xafidikara .. Qoor Qoor Oo Soo Saaraya Liis Dhaban-hays Iyo Ma Hadhow Reebta

Wednesday - August 4, 2021




Dhuusamareeb  – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Yuusuf Geelle, Ugaas Dhagey iyo Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo labadaba sabab u ahaa in Qoor Qoor uu noqdo madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu liiska musharixiinta ka reebo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah musharax u taagan xilka uu ku fadhiyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Galmudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa la filayaa in liiska lagu soo daro, waxaana wararka ay sheegayaan in Qoor Qoorr uusan dooneyn in Cabdi Qeybdiid lala tartamo.

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal iyo colaad, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin dhammaan dadka xilka raadinaya, waxaana go’aanka Qoor Qoor uu horseedi karaa xiisad.

Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka Sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.