Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Casharada Iyo Xikmada Dadnimada Wanaagsan .. Luqmaan Al-Xakim Iyo Xikmadiisi Uu Kula Dardaarmay Wiilkiisa

Saturday - August 7, 2021



Xikmadi Luqmaan waa suurad Alle oo quraanka ka mid ah .. Luqmaan oo ahaa nin xikmad badan waxaa uu dhalay wiil la oran jiray Ashkam oo ka mid ahaa awlaadiisa, waxaana uu kula dardaarmay Wiilkiisa Xikmado muhiim u ah Qofka kasta oo Dardaaran u baahan Waxaa uu yiri Luqamaan :-

1.Wiil-kaygiiyoow cuntada ha iska badin oo hadii ay Calooshu buuxsanto waxaa seexata Fikrada waxaana daadata Xikmada Xubnuhuna Cibaada ayay ka fariistaan .. iskana ilaali inaad wax xaaraan ah cuntu

2- Wiil-kaygow, Qadarta Rabi ku qanac oo wixii kugu dhaca ama aad la kulantid ajar ka xisaabsho, haddi aadan jecleysan Mahadnaq oo u sheeg naftaada in uu kheyr kuugu jiro oo ay ku fiicantahay
 
3- Wiil-keygiyow, Baro Aqoonta inta aadan aqoon, dadkana sii bar wixii aad baratay, hadii aad aragtid majlis ama qolo Alle xusaysana la fariiso waxaa laga yaaba Alle inuu u naxariisto adiga uu kugu daro
 
4- Wiil-keygow, Alle ka cabsiga ka dhigo wax aad ka qanacsatid faaiidada ayaa kuu imaanaysa adiga oo aan waxba iibine .. ILahaay ka cabso mar walba .

5 - Wiil-keygow, Janaasooyinka raac oo tag .. xafladaha Arooskase ha u dhawaan, maxaa yeelay Janaasadu Aakhiro ayay ku xusuusin , Arooskuna Aduunyada ayuu kuu macaanayn .. Reer Aakhiro noqo oo reer Aduunyo ha noqon .

6- Wiik-keygow, Haddi lagu marti qaado waa inaad xakameysa naftaada oo aad xushmeysa cida ku marti qaaday .. ka taxdar indhaahaaga

7- Wiilkeygow, Hadii aad salaad Tukanaysid, ka taxaddir Qalbigaaga .. ka dhig qalbigaaga qalbi Alle (SW) u khushuucsan 

8- Wiil-keygow, Waa in aad xasuusataa Allah ( SW ) oo aad ka mahad-celisaa nimcooyinka tirada badan ee uu kuugu deeqay .. Waa in aad xasuusataa Geeri iyo in ay dunidu tahay meel ku meel gaar ah oo aad mar un ka tagaysid .

9- Wiil-keygow, Waa in aad Iska iloowda wax waliba oo wanaag ah oo aad cid kale u gashay amase u samaysay.
 Iyo wax waliba oo xumaan ah oo ay cid kale kuu gaysatay .. Waayo abaal marinta dhabta ah waxa ay jirtaa aakhiro sidaa awgeed camal kaaga wanaagsan dib u dhigo.