Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ayaxa Waa Gawracan-yahay Sida Kaluunka Oo Kale Kaaso Cunidiisa Laga Helo Faaiidooyin Badan .. Cimriga Ayaxa Waa Laba Bilood Oo Markiiba Dhala 80 illa 100 Ukumood

Tuesday - August 10, 2021



Ayaxu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka, bahda bilaa lafdhabarleyda ah , gaar ahaan bahweynta cayayaanka leh lixda lugood, qoyska hoose ee jirriqaaga kuwaas oo leh lugo xooggan oo ay ku boodi karaan .. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeeraan (Schistocerca gregaria). 

Ayaxa Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo bariga dhexe. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeeraa (Locust). Carabidana (الجراد). Afka soomaaligana Ayax, guud ahaan ayaxa waxaa loo qaybiyaa afar nooc: kan ugu badan ee ku nool dalalka khaliijka, hindiya iyo bariga afrika waxaa loo yaqaannaa Ayaxa saxaraha.

Cimriga Ayaxu waxa uu gaaraa 2-4 biloo .. Culayskiisuna waa 2 garaam .. dhererka Ayaxuna waa 35 ilaa 50 milimitir, marka keli ah waxa uu dhalaa 80 ilaa 100 Ukumood, kuwaas oo ku dillaaca laba todobaad gudahood .. Ayaxa jirkiisa waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood madax; Laab iyo uur ku jir, badanaa waxaa uu wax quutaa maalintii,  sidoo kale Ayaxu waxa uu maraa saddex meerto nololeed kuwaas oo kala ah: Marka ugu horaysa waa Ukun, markuu dillaacana waa korrankor, marka saddexaadna wuu duullaa oo waxuu noqdaa qaangaar. 

Ayaxu waxba ma qaniino balse wuxuu sii daayaa dheecaan marka la qabto .. Ayaxu waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded) isagoo ku nool badanaa meelaha uu heerka-kulku sarreeyo. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay cayayaanada dheereeya kaas oo saacadii jari-kara 15 ilaa 20 kiiloomitir, isagoo ku duullaaya joog hoose iyo mid dhexdhexaad ah.

Ugu danbayntii Ayaxu waa xalaal, oo waa la cuni karaa waana xayawaannada gawracan sida kalluunka oo kale, kaas oo cunidiisa laga helo faa'iidooyin caafimaad oo fara badan. Sidoo kale wuxuu leeyahay khasaare fara badan kaas oo saameeya dadka iyo duunyadaba, waxaana uu ka mid yahay masiibooyinkii reer bani israaiil uu alle ku imtixaanay, sida uu rabbi qur'aanka innoogu sheegay. Ayaxu waxa uu isaga gudbi karaa qaaradaha kala duwan ee dunida isagoo gala safaro aad u dhaadheer, habka keli ah lagu xakamayn karo ayaxu waa in buufiyo ama lagu rusheeyo dawooyinka dilla cayayaanka.