Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Maanta Waa U Maalin kale Mucaaradka .. Shiikh Sharf Iyo Mahad Salaad Oo Ka Hadlay Doorashadi Dhuusamareeb

Thursday - August 12, 2021




Dhusamareeb - Afar Rag ah iyo laba Dumar ah ayaa maanta ku guuleystay Lixdii kursi ee Golaha Aqalka sare loo tartamayey Galmudug kadib doorasho ka dhacday dhuuso-mareeb.

Seddex ka mid ah Xubnaha la doortay ayaa booskooda difaacday markii labaadna helay inay Aqalka senet-ka Soomaaliya,kuwaas oo kala ahaa: Cabdi Axmed Dhuxuloow (dhag dheer),Yuusuf Geelle Ugaas iyo Zam zam maxamed Daahir,waxaana Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo hore uga tirsanaa Golaha shacabka uu sanadkaan Senetor noqday.

Saciid Siyaad Shirwac oo hore usoo noqday Wasiirkii Maaliyada Galmudug iyo Madaxii Kastamka dekada Muqdisho Dawladii Sheekh Shariif Madaxweynaha ka ahaa ayaa maanta isna la doortay.

Waxyaabaha ay doorashadaas dhuuso mareeb kaga duwaneyd kuwii kale ayaa ah in codeyn aysan murashaxiinta gelin balse lixda murashax ay u tanaasuleen Lixda senator ee guuleystay.

Lixda Kursi ee maanta la doortay waxaa ka dhiman Labo Kursi oo midkood isha lagu wada hayo waana midka ay ku baratami-doonaan Axmed Ducaale Xaaf iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid hadii isbadel madaxweyne qoor qoor uusan sameynin tartanka doorashada dhacaya murashaxiinta Aqalka sare.

Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya u taagan sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad salaad ayaa hambalyo udiray Senetarada maanta lagu doortay Dhuuso mareeb.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Heer Federaal uu hogaamiyo Maxamed Xasan Cirro ayaa bogaadiyey qaabkii ay udhacday doorashadii Aqalka Sare maanta ka dhacday Dhuuso mareeb.