Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Warki Ugu Dambeeyey Ee Kabuul Iyo Militariga Mareykanka Oo Joojiyey Daad-Gureynti Ciidamada Iyo Diblumaasiiyinti Ku Suganaa Casimada Kaabuul

Monday - August 16, 2021


Kabul – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan caasimada Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda.

Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka.

Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shan qof, kadib markii ay dadka ku soo aruuray garoonka diyaaradaha ay si qasab ah u wada qabsadeen diyaarad kamid ah kuwa millateriga Mareykanka oo xiligaas ku socotay runway-ga ay diyaaradauhu ku ordaan.

Ilaa hadda ma cadda sida ay shanta qof ugu dhinteen gegada diyaaradaha, hase yeeshe Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadu ay cirka u rideen rasaas si ay uga hortagaan dadka isku dayay inay xoog ku galaan diyaarad militari oo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Mareykanka ka saaraysay magaalada. Lama kala oga inay ku dhinteen rasaastas iyo inkale.

Weriye ka tirsan Al-Jazeera oo ku sugan Kabul ayaa soo sheegaya in Taliban ay dadka qulqulaya ka hor istaageyso inay u gudbaan dhanka garoonka diyaaradaha, isla markaana ay ridayaan rasaas digniin ah, si looga fogaado aagga garoonka.