Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xaajo Niman Ogeyn Baa Indhaha Ka Rida .. General Jaamac Maxamed Qaalib Oo Waqti Kooban Lagu Xayiray Madaarka Hargeysa Iyo Qaabki Marki Dambe Lagu Si Daayey

Monday - August 23, 2021



Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ka mid ah odayaasha reer Somaliland ee sida weyn ula dhacsan, walina aan ka tanaasulin mabda’a Soomaali weyn, muddo dheerna ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dorraad ka soo dagay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport halkaasi oo muddo dhawr saacadood ah ciidamada ammaanku ku hayeen kadib markii ay si kedis ah ugu qabteen isaga oo ka soo degay diyaarad uu ugu soo safray Hargeysa.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qabashada ciidamada amaanku ay Madaarka Hargeysa ka qabteen siyaasi Jaamac Yare ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ciidamada ammaanku markii ay Madaarka ku qabteen Janaraal Jaamac Maxamed Qaabil waxa dhacday in muddo kooban kadiba ay ciidamadu halkaasi ka sii daayeen isaga iyo qof ehelkiisa ka mid ah oo ay wada socdeen.

ILo xog-ogaalka ahi waxa ay sheegeen in Markii uu Jaamac Yare dorraad Madaarka Hargeysa ka soo degay ay ciidamadu muddo Madaarka ku hayeen kadibna la war geliyey Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland kuwaasi oo iyaguna muddo kooban kadib markii ay Madaxtooyada ku war galiyeen safarka Jaamac Yare iyo in Madaarka lagu hayo la sheegey in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyay in la sii daayo Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa dadka ugu caansan siyaasiyiinta Somaliland ee muddoda dheer sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.

Siyaasi Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo dawladdii Soomaaliya mar ahaan jiray taliyihii ugu horreeyey ee sirdoonka Soomaaliya ayaa wakhtigan isagoo 88 jir ah waxa uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho oo uu macallin ka yahay jaamacadaha SIMAD iyo CITY oo uu illaa sannadkii 2013kii ka dhigayay taariikhda siyaasadda Soomaaliya.

"Magaalada Muqdisho iyo dadkeedaba waan jeclahay. Cimrigayga inta ugu badan iyada ayaan ku qaatay. Maalmihii xorriyadda oo aan imid aniga oo 27 jir ah ilaa iyo maanta oo aan 88 jir ahay waqtigii ugu badnaa ee aan Muqdisho ka maqnaa waa markii Itoobiya nagu soo duushay 2006dii oo aan 5 sano ku maqnaa Asmara, Eritrea” ayuu yiri Janaraal Jaamac Yare oo sannadkan horraantiisii waraysi warbaahintu la yeelatay.

Lama oga in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu dalka u soo guuray iyo in uu kaliya safar kooban ku yimid oo uu muddo kadib ku laabanayo Muqdisho.