Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Daraasad Baa Lagu Sheegay .. Raga Bidaarta Leh Oo Kaga Wanaagsan Wax Badan Kuwa Kale

Thursday - October 14, 2021




Dhawaan Daraasad cusub oo ay ku dhaqaaqeen khubaro loo xil saaray xaqiijinta farqiga u dhaxeeya Nimanka timaha leh iyo kuwa tintu ka guurtay ee bidaarta yeeshay.

Warbixin ay soo saareen kadib baaritaan dheer ayeyna Khubaradani tilmaameen in nimanka tintu ka hayaantay ama bidaarta yeeshay ay dhinacyo badan uga horeeyaan kuwa timaha dhaadheer ee shanlada iyo kareemka marwalba ku howlan.

Daraasadan ayaa laga soo saaray in akhyaarta bidaartu gashay ay dhowr arimood ku wanaagsan yihiin kuwaasoo ay ka mid tahay in ay yihiin niman la aamini karo oo wacadka oofiya, sidoo kale waxaa la sheegay in bidaarleydu ay tahay nin karmeedyo adkeysi leh sidoo kalena saameyn balaaran ku yeesha bulshada ay la nool yihiin.

Nimanka bidaarta leh ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in hadii ay shaqo doon-yihiin inta badan ay ka howl galaan arimaha hogaaminta ayadoo loo doorto in hogaamiye yaal noqon-karaan.

Sidoo kale akhyaarta Tintu ka haaday ayaa la sheegay in dumar badani aad u jecel-yihiin ayadoo sababtana lagu sheegay in ay nimankani yihiiin kuwa ku fiican dhanka Romantic-ga isla markaana fahmi kara dareenka baas ee haweenka lagu xod-xoto.

Daraasadan ayaa intaas ku sii dareysa in nimanka ay haatan Tintu kasii bideyso ee ku dhow in ay kusoo biiraan ururka bidaarle-yaasha in ay haboon tahay in ay Tinta gabi ahaanteedba iska xiiraa, isla markaana toos u noqdaan hogaamiye.