Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Is-Maan-dhaafka Daafaha Aduunka Ka Dhacaya .. Xog Ku Saabsan Cali Xarbi Cali Ee Bilaawaha Ku Baalbaaliyey Xildhibaanki Ingiriiska

Monday - October 18, 2021





London  – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay Mindi, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65-km u jirta magaalaa London.

Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu khasbay inuu qaato koorso waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo Shan sano ka hor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.

Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doortay si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay.

Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha wadaadka Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo.

Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn-weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 Sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xag-jirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.

Waxaa sidoo kale lagu waramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay ku soo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. 

Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo takhtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS.

Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane.