Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Urdogaan Oo Dibada U Soo Tuuray Safiiradi Yurub Sidii Guuf Timir Ka Dhamaatay .. Yurub Oo Marki Hore Kibir Xaarkooda Sida Cambarka U Shidan Jiray Oo Markan U Soo Uray.. Waa Kuma Ninka Xirirka Qurmiyey

Tuesday - October 26, 2021




Golaha middowga Yurub ayaa dhowaan Turkiga ugu hanjabay in tallaabooyin ciqaab ah la meel marin doono inta ay ku jiraan kalfadhigooda Soo socda kaas oo la qaban-doono inta u dhexeysa 30-ka Nofeembar iyo 2da Diseembar Haddii aan la siideyn Kavala intaa, Tallaabooyinka ka dhanka ah Turkiga ay qaadi Karan ayaa noqon karta joojinta xuquuqda cod U qaadida Turkiga ee xubinimada midowga yurub iyo xitaa xubinnimada suuqa dhaqaalaha yurub .. Ugu danbayntii waxaa xusid mudan in dalalka bayaanka saxiixay ay kala yihiin Canada, France, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka.

Dhiniciisa Erdogan wuxuu ku eedeeyaa in uu maalgeliyo argagixisada in kasta oo qareennada Kavala ay diideen warka wax caddayn ah oo ku saabsan eedeymahan Erdogan aanu keenin Ila hada  sido kale Saxaafadda Turkiga ee dawladda taageertaa ayaa ku tilmaanta inuu yahay "Billionairka Cas" Iyaga oo la meel dhigay maal galiyaha Hungarian maraykanka ah ee George Soros oo lagu yaqaano taageeridda ururada siyasadeed.

Osman Kavala waa magac beryahan dambe aad ugu soo baxayey warbaahinta aduunka inkastoo oo aanu caan ka ahayn caalamka, Bayaan oo ay ku saxiixanyihiin Toban dal oo dalbanaya in la sii daayo ninka ayaa ka caraysiyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka dibna amray in dalkiisa laga saaro Danjirayaasha dalalka,

Osman Kavala, waa ganacsadaha ku xiran xabsiyada Turkiga kaas oo hada magaciisu noqday astaanta cadaadis lagu saaro Erdogan xiriirka diblumaasiyada Turkiga ayaa goobjoog u noqday dhawaan xiisad cusub oo ka dhalatay ka dib markii Toban dal dalbadeen in la sii daayo qof u ololeeya arrimaha bulshada waa Osman Kavala, Sabtidiina Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo khudbad aad u kulul jeedinayey isagoo caraysan uu ku amray wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu dalkiisa ka cayriyo safiirada dalalka dalabka keenay,

Osman Kavala waxa uu haysta dhalashada dalka Faransiiska waxana uu ku dhashay 1957 magaalada Paris, Wuxuuna waxbarashadiisa ka bilaabay iskuul Turkish ah oo ku yaala magalada Istanbul ka hor intii uusan u guurin Dalka Britain si uu u dhammaysto waxbarashadiisa jaamacadeed gaar ahan jamacada magalada Manchester.

Sanadkii 1982 wuxuu ku soo laabtay magalada Istanbul geeridii aabihiis ka dib si uu u maareeyo ganacsigii qoyskoda, Kavala waxa uu u dhaqdhaqaaqi jiray arimaha difaacida dhaqanka Turkiga iyo kala duwanaanshaha dhaqanka Turkiga diin ahaan waxana uu aasaasay xarunta Iletisim waxana uu aad u taageeri jiray dib u dhiska taallooyin taariikhiga ah oo ay ku jiraan kaniisadaha Armenia ee turkiga ku yaala.

Hadaba dhinaca siyaasadda hadaan eegno magaca Kavala wuxuu soo caan baxay sanadkii 2013 isagoo ka mid ahaa dadka sida weyn u tageersana  mudaaharaadki Gezi Park ee ka dhanka ah xukunka Erdogan .. Kavala ayaa sidoo kale ku soo caan baxay difaacida arimaha Armenia iyo Kurdiyiinta,

Sannadkii 2015 -kii wuxuu ka qayb galay xuskii boqol guradi Xasuuqii Armenia, Inaga oo wada og in Dawlada Turkigu ay weli diidan tahay in ay dhacdada u aqoonsato xasuuq ka dhan ahaa dadka Armanka intii lagu jiray dagaalkii koowaad ee adduunka.

Kavala Inkasta oo aan si fiican looga aqoonin caalamka hadana Kavala wuxuu astaan u noqday hawlgalkii madaxweynaha Turkiga ku qabqabanaya dadkii ka danbeyey isku daygii afgembigii ee 2016 -kii .. Kavala wuxuu isu arkaa inuu yahay halyey mucaarad ah oo diidan Xukunka haysto Erdogan ku dhawaadka labaatanka sano,

Waxana uu xarigiisa ka yiri Kavala isag oo qareenkiisa marinaya hadalka " Waxaan u malaynayaa in sababta dhabta ah ee xariga laygu haya tahay baahida in dawladdu muujiso sheekada ah in mudaharadkii Gezi ay ka danbeyeen shirqoolo shisheeye,"  waxana uu ina sii raciyey "Maaddaama la igu eedaynayo inaan qayb ka ahaa shirqoolkan la sheegayo inay soo abaabuleen quwado shisheeye sii dayntaydu waxay wiiqaysa warka dawlada Iyo maamulka Erdugan”.

Kavala ayaa lagu waayay dambiyadii beerta Gezi bishii Febraayo 2020, Waxaa la xiray mar kale ka hor inta uusan ku laaban xafadiisii oo dib loogu celiyey xabsigiisi liintu u taalay kadib markii lagu eedeeyay in uu qayb ka aha isku daygii afgambigii 2016.