Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Sheekada Itoobiya Aad Bay U Qaayo Weyntahay .. Abiy Axmed Waa Loo Awood Sheegtay Oo Markaan Wxuu Noqday Rajey Aan Hiil Haysan .. Afhayeenka Tigreyga Oo Ku Baaqay In Dagaalki La Soo Afjaray

Monday - November 1, 2021



Shacabki Itoobiya Waa Hoobanaya .. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aan weli ogalaan in laga guuldareystay oo ay u tahay maalin madow ayaa si calaacal ah taageera-yaashiisa ku booriyay inay adeegsadaan hub kasta oo ay heystaan si ay u joojiyaan horu-socodka ay wadaan ciidammada Tigreega .. Waxa uu baaqan ku qoray bogga uu ku leeyahay Facebook ka dib markii ay jabhada Tigreyga sheegtay in ay guulo kale ka gaareen gobolka Axmaarada, iyaga oo ku sii siqaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy Axmed oo afka labadiisa yeeray ayaa sheegay in ay waajib ku tahay muwaadiniinta in sida uu hadalka u dhigay ay xannibaan, baabi’iyaan oo ay aasaan ciidamada jabhadda TPLF.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay kooxda TPLF (Getachew Reda) ayaa sheegay in ujeedada Abiy kaliya ay tahay in ay jabiyaan go’doominta ay Tigrayga ku sameeyeen ciidamada itoobiya .. Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee ka tirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya, sido kale Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada Kombolcha.

Magaalada Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 400km, taas oo ka dhigan ku guulaysiga Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta ugu fog ee gobolka Amxaarada.

Janaraalka hoggaaminaya dagaalyahanada Tigreyga Janaraalka Tsadkan Gebretensae ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal oo ay la yeelanayaan dowladda Itoobiya, Wuxuu sheegay in dagaalka uu haatan marayo meel gabogabo ah.