Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Nibirigu Waa Xayawaanka Ugu Weyn Noolayaasha Arlada Ku Dul Nool .. Mataga Nibiriga Muxuu Suuqyada Ka Joogaa .. Noocyada Nibiriga Ee Aduunka Ku Nool

Tuesday - November 9, 2021




Nibirigu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka bahda laf-dhabarleyda ah , gaar ahaan bahweynta Naasleyda , Sidoo kale waxa uu ku jiraa xayawaanada Laba-suulleyda ah ..  Nibiriga ugu horeeyay adduunka waxaa lagu dul arkay muddo qarniyo ah ka hor, Nibirigu waa sida kalluunka oo kale noolayaasha aan berriga ku noolaan-karin oo waxa uu ku nool-yahay bada .. Noocyada Nibiriga ee adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo Sagaashan nooc oo Nibiri ah, kuwaas oo badanaa laga helo shanta badood ee waaweyn . Cilmiga barashada Nolosha Nibiriga waxaa loo yiqaannaa (Cetology). Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeeraa (whale), Carabidana (Xuut) Afka Soomaaligana Nibiri ama Nimiri.

Cimriga Nibirigu waxa uu gaaraa 20 ilaa 40 sano, inkastoo ay ku xiran tahay nooca uu yahay qaarkood ayaa noolaan kara qarni ama ka badan, dhererkiisuna waa 25 ilaa 26 mitir, halka uu culayskiisuna gaaro 190,000 ilaa 150,000 kiilloogaraam. Waxaana uu leeyahay 48 hiddo-side iyo 240 ilkood, marmarka qaarna ka badan .. Nibirigu ma dhalo Ukun balse wuxuu dhalaa noole yar oo u eeg, waxaana uu ku quudiyaa caano oo waxa uu leeyahay laba naas, isagoo kuna qaangaara 6 ilaa 10 sano .. Sidka Nibirigu waa 11 bilood, Nibirigu waxa uu kamid yahay noolayaasha hilib cunka ah ee ku nool badaha, gaar maalintii inkastoo ay qaar kamid ah nibirigu habeenkii wax ugaarsadaan, sidoo kale waxa uu ku jiraa xayawaannada leh dhiigga diirran. Nibiriga caalamka ku nool guud ahaan waxaa loo qaybiyaa laba nooc mid ilko waaweyn leh iyo mid ilko yaryar leh. Caadi ahaan Saacadii waxa uu jari karaa 50 kiiloomitir.

Nibirigu waa xayawaanka ugu weyn noolayaash arlada ku dul nool, waxaana uu kamid yahay xayawaannada uu Alle qur'aan inoogu sheegay, kaas oo lagu imtixaanay Nebi yoonis. Inta la diwaan geliyay badanaa dadka ma laayo mana cuno nibirigu. Qiyaas ahaan Nibiriga aduunka ku nool waxa lagu qiyaasaa 75,000 kun oo xabo, kaas oo badankiisa laga helo Waqooyiga badweynta Baasifiga .. Mataga Nibirigu waxa uu suuqyada adduunka ka jooga qiimo sare, iyadoo loo isticmaalo ka samaynta cadarada iyo dawooyinka qaar, halka ay saxarada nibirigu faa'iidooyin badan u leedahay noolayaasha kale ee bada ku nool. Nibirigu wuxuu ku jira xayawaannada u kala gudba qaaradaha fogfog ee adduunka (Migratoty animals),  kaas oo ka ganacsigiisa caalamka laga mamnuucay sanadkii 1987dii, Ugu danbayntii cunida hilibka nibirigu islaamku wuu xalaaleeyay, haddii uu dhinto iyo haddii uu nool yahayba, sida laga soo weriyay Nebi Muxammed (Scw).