Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Geela Iyo Xiirka Dadka .. Wax Ka Ogow Sida Uu Geella Isku Salaamo Iyo Xaqiiqooyinka Kale Ee Cajiibka Ah

Tuesday - December 7, 2021




Geela ayaa ka mid ah xoolaha ay sida weyn u jeceshahay Soomaalida isla markaana ay dhaqato, wuxuu ku duwan yahay xoolaha kale ee la dhaqdo gaar ahaan manfaca iyo faa’idada laga helo caanaha, hilibka, gaadiidka iyo faa’iidooyin kale.

Sida qaalibka ah Geela waxa uu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta noloshooda .. Haddaba, waxaa halkan idiin kuugu soo gudbineynaa xaqiiqooyin ku saabsan geela.

- Sida uu isku salaamo geela : Geela wuxuu jecel yahay in uu iskula socdo xeyn-xeyn, waxaana hoggaamiya Ratiga, waaana taasi sbabta Soomalaida ay u tiraahda maahmaada ah Ratiga dambe kan hore saan-qaadkiisa ayuu leeyahay.

Geela wuxuu u muuqdaa mid ka furfuran xoolaha kale, oo isdhaxgal ayuu sameeyaa, marka uu isa salaamayana wuxuu isi saraa gafuurka.

- Muuqaalkiisa : Geela dheereer ahaan waxaa lagu qiyaasaa 6-7 fit, waxaa uu noolaan karaa ilaa iyo 15 sano .. Nooc ka mid ah geele oo cimrigiisu intaa aad uga badnaan kara ayaa la sheegaa inuu jira.

Geelu waxa uu awood u leeyahay in uu xiro duleelka sankiisa si uu uga hortago in ciidda ay ka gasho sanka.

Wuxuu sidoo kale leeyahay dhogor adag oo uu isaga celiyo cimilada kulul isla markaana cagahiisa daboolan waxay ka caawiyaan in uu u adkeysto heer-kulka daran ee saxaraha iyo meelaha kale ee kulul.

- Daaqa iyo dabeecadaha geela : Geelu wuxuu inta badan daaqaa maalintii, taas oo macnaheedu yahay in maalinkii uu fir-fircoon yahay inkasta oo habeenkii la miro.

Geela wuxuu ordi karaa 40 km sacaddii muddo dheer. Haddii qofka wada uu deg deg qaba wuxuu gaarsiin karaa ilaa iyo 67 km saacaddii.

Geela wuxuu kuruskiisa u adeegsadaa inuu ku keydsada cuntada iyo cabbitaanka, wuxuuna jirka Geele isticmaalaa duxda ku keydsan kuruska marka ay cuntada iyo biyaha gabaabsi ku nqodaan, waana taasi sababta uu kuruska Geela hoos ugu dhaca , haddii uu biyo iyo daq helana kuruska geela ayaa dib u buuxsamo.

Faruuryaha geela ayaa ah kuwa kala qeybsan, qeyb kasta oo ka mid ah bushimaha sare si madax-banaan ayay u dhaq-dhaqaaqaan taas oo ka caawisa in uu cuno dhirta iyo cawska hoose.

Geela waa mid ka duwan xoolaha kale , wuxuu 10 daqiiqo gudahood ku cabbi karaa biyo 130 liitar oo biyo ah, balse maalmo ama isbuucyo ayuu adkeysan karaa biyo la’aan.

- Xiriirka ka dhexeeya geela iyo banii’aadanka : Dadka iyo geela waxaa ka wada dhexeeyaa xiriir taariikh fog leh, Geela ayaa qarniyo badan la soo raran jiray, waxaana lagu dhaqan jiray jasiiradda carabta intii u dhaxaysay 3000 iyo 2500 BC.

Geela wuxuu qaadi karaa 170 ilaa 270 kiilo oo badeeco ah ama agab ah, sida laga soo xigtay National Geographic oo ah barnaamij ka faalooda deegaanka iyo xayawaanka.

Soomaalidana reer guuraagana waxaa gaadiid u ah geela oo ay haddba meel ay ugu sahan tegaan, wuxuu kusoo dhaansadaan biyaha iyo fa’iidoyin kale aan lasoo koobi karin.