Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Reer Budad Meel Ka Lulay Maxay Kordhin .. Boqor Burhaan Waxay Maradi Ka Dhacday Marku Bujuubajaa Ku Hadlay .. Amarka Deni Diid Ama Ha Diidin La Jooin-Maayo

Wednesday - December 8, 2021



Muqdisho – Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aanadii xalay ka soo baxay Isimada Puntland ee ay ku sheegeen in go'aankooda uu xalka u yahay xiisadda ka dhalatay ciidamada PSF ee gadoodka sameeyey.

Saciid Deni ayaa go'aankaas kadib si gaar ah uga soo horjeestay qodob ka mid ah go’aanka Isimada Puntland oo ku baaqayey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu qaato hubka iyo hantida Ciidanka ee uu hadda gacanta ku hayo .. Saciid Deni ayaa warkisi ku cadeeyey in hay'ada PSF ay tahay laf-dhabarka amniga dawlada Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka. 

Deni ayaa warkisi si raaciyey oo yiri: Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Dowladda Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowlad-nimacia Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah lsimada Puntland ay Maantay 7 December 2021 baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. 

Mudane Saciid Dani oo hadalkiisa si wata ayaa intaa raaciyey:  Haddaba Dowladda Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhamrnaan hantida hay’adda PSF, kuna wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub .. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga.