Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xikmadihi Dhaxal Galka Noqday Ee Amiir Cali Binu Abi Daalib .. Qaybo ka Mida Xikmadihiisi iLahay Raali Ha Ka Ahaadee

Friday - December 10, 2021




Amiirkii afraad ee Khulafaa’ul Raashidiintii, Cali Binu Abi Daalib, waxa uu ka mid ahaa geesiyadii u gargaaray Rasuulka Alle CSW, waxaanu safka hore kaga jiray dadkii ugu hor Islaamay ee qaatay dacwadii Nebiga, taas oo sida taariikhda lagu hayo uu ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee Diinta Islaamka qaata.

Taariikhda balaaran ee Amiirkii Afraad ee Khulafadii Rasuulka CSW, kuma soo koobi-karno halkan, hasa yeeshee waxaynu qormadeenan ku soo qaadan doona, qaybo ka mid ah xikmadihii dhaxal galka noqday ee Cali Binu Abi Daalib (Illaahay wajigiisa Ha Karaameeyee), kuwaas oo qiimahooda iyo hanuunkooda dartood ka mid noqday dhaxalka aadamaha ee xitaa dadka aan Islaamka ahayni tusaalaha u soo qaataan laguna daraaseeyo mac-hadyada iyo jaamacadaha ugu waaweyn aduunka.

Cali Binu Abi Daalib, wuxuu yiri: waxaa iman-doonta maalin, Islaamku magac kaliya noqdo, Quraankuna muuqiisu yaalo, kuwa tukanayaa masaajidada buuxiyaan laakiin aanay iimaan idinka ahayn, Culimadu Cilmiga iibiso, fitnada iyo xumaantuna dhexdiina ku faafto, Illaahay ayaan idiinka baryayaa inuu idinka nabad galiyo.

Wuxuu yiri: Waxa Iman-doona wakhti, waayeelku Dambiile noqdo, Caalimku Munaafiq noqdo, maal-qabeenkuna aanu saboolka wax tarin, dhalinyaradu waayeelka ka xishoon waydo.

Wuxuu yiri: Naftu waxay u ooydaa aduunyada, iyadoo garanaysa inaanay ku nagaanayn wanaag kasta oo guudkeeda yaala, qofna dhimashada dabadeed ma dago guri aanu aduunyada intii uu joogay ee uu noolaa dhisan, (Macno ahaan, qof walba wuxuu degaa gurigii uu ifka ka soo dhistay, mana jiro guri kale oo uu dhimashada ka dib degayaa).

Hantida badankeeda waxaynu u dhaqnaa kuwa ina dhaxlaya, wakhti-geenana wareer iyo aduunyo raadin baynu ku dhamaynaa. Kii Wanaag iyo khayr dhisa waxa u sugnaaday deganaansho wanaagsan, kii xumaan iyo shar dhisana guul daro ha ku bushaaraysto.

Haddii Faqriga (Saabool-nimadu) qof tahay waan dili-lahaa, wakhtiguna waa maalin aad adigu leedahay iyo mid qayrkaaga leeyahay, marka aad dhimatana ma jiro wax xaqa qariya iyo wax baadilka shaac saara iyo been badan oo dambe.

Qofka Baadilka (Xumaanta) ka shaqeeya, ka u magacaabay iyo ka raalida ka noqday sadexduba waa ku shuraako .. Haddaad qof saarto masuuliyad aanu qaadi Karin, ku talo gal inuu sababi-doono dhibaato aanad masuuliyadeeda u taag hayn.

Daqiiqad aad ku samirto caradu waxay ka baajisaa kun daqiiqo oo aad hadhow murugooto. Ceebta maal qabeenka in badan ayaa la qariyaa, waxaana wehel u noqda beenaalayaal aan hadhow markay ku cadaato ka baxsada asturaadiisa.

wuxuu yiri: Haku Farxin guul darada nacabkaaga, waayo? Ma ogid mustaqbalka maalmaha kuu danbeeya ee nolosha .. Dadka ha uga caban dhaawac aad adigu sababtiisa leedahay, waayo? Qofka aan lurkiisu haynin ka damqan maayo Xanuunkiisa.

Ha ka xishoon inaad wax yar bixiso, maxaa yeelay? Inaad waxba bixin waydo ayaa ceeb ah ama in laga xishoodo mudane.

Wuxuu kalo yiri Cali: Adoon ha u noqon qof kaloo qayrkaa ah, adoo Illaahay (SW), Xor kaa dhigay, (Macno ahaan adoo xor Illaahay kaa dhigay adoon ha u noqon qof kale).