Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

ILma-Adeer Waa In Istaqaan Oo Dalsho Neceen Markay Dhargeen .. Dimoqaraadiyadi Puntland Waxay Dhimatay Kolki La Yiri " Waa Markeygi "

Wednesday - December 22, 2021





Boosaaso - 4 Saac oo xariir ah dagaalo culus oo shalay ka socday magaalada Boosaaso ayaa hadda istaagay .. Dagaalkaas iyo jugta yeetay waxaa ka dhashay dhaawacyo iyo dhimasho oo ka dhalatay dagaalki shalay, sida ay xaqiijinayaan goobaha Caafimaadka, waxaa la sheegaya in dhaawac u kor u dhaafay illa 40 ruux, laakiin intooda badan si sahaln wax u gaareen, sido kale goob-joogayaal ayaa cadeynaya in la kala joogo halkii ay shalay ka bilaabatay xabada .. Qolada PSF ee siyaasadooda siigada kicisay xeradooda ayey ku kooban-yihiin oo halkaas ayey xabadaha dhinac kasta u seyrinayaan, halka ciidanka dawlada ay dhinac kasta uga  wareegsan-yihiin PSF-ta .. Inta aan ka warqabno iyo xogaha aan heleyno Tolweynaha Puntland waxay Eeda dusha ka saarayaan wiilashaa Reer Diyaano oo lagu tuhmaayo iney xirir guulwade la leeyihiin Villa Somaliya, waxa kalo la leeyahay ilmo Diyaano waxay diideen tolnimadi beesha oo dan jufo hoose ay ku badasheen, teeda kale intey Dhargeen ayey xitaa dhalashadi naceen markaasey dab lugaha la galeen, halka qaar aan sidaas u badneyn ay ku andacoonayaan in Madaxweyne Deni u qaatay talaabo degdega, balse halki u wax ka xalin-lahaa u xanaaq kula dhacay, waxayna kooxdaas qabaan in eeda la saaraayo Ilmo Diyaano ee la yiri viilla somaliya la haystaan ay tahay hadal mafrash aan micno lahayen

Dhinaca kale, Madaxdi hore ee xilka ka soo qabtay maamulka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaalitya oo maanta kulan ka yeeshay xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda, islamarkaana wax kasta lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham.

Xubnaha shirka yeeshay oo kala ahaa Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas, taliyihii hore ee Booliska General Saacid Daahir Siciid, Cabdikhadar Faarax Shaaciye iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray baaq ka kooban 5 qodob oo sidaan u qoran:

1- Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda Puntland ee ah xabad-joojinta, si fursad loo siiyo wadahadalada socda.

2- Si loo xoojiyo wadahadalada nabadeed ee ay ku baaqeen waxgaradka waa in dhammaan Ia joojiyo dhaqdhaqaaq-yada ciidamada ee jira.

3- Waa in Ia ilaaliyo dowladnimada, xasiloonida, nabadgalyada iyo midnimada shacabka Puntland.

4- Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka aan Ia leenahay dhinacayada ay khuseyso arinkaan si xal-waara looga gaara khilaafka taagan.

5- Ugu danbayn waxaan diyaar u nahay in aan tagno Puntland si aan uga qayb qaadano xal u helidda iyo joojinta iska hor-imaadkan hubaysan si ayaan xabadd dambe magaalada u dhicin.


Taliska Ciidanka PSF ee uu hoggaamiyo Agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano, ayaa soo dhaweeyay dadaalada isimmada dhaqanka, ganacsatada iyo culimo-awdiinta ee ku aadan joojinta colaada magaalada Boosaaso.

PSF oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa xustay inay diyaar u yihiin xabad-joojin ka dhaqangasha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayna awal horroba ay ahaayeen iyagu kuwo is difaacaya.