Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Saaka Bey Ugu Darantahay .. Somaliya Oo Colaad Hor Leh Galeysa .. Farmajo Oo Ku Waashay Marmarsiiyo Aan Loo Joogin .. Khasab Igu Doorta Soo Dagal Ma Saxiixin

Sunday - December 26, 2021



Akhristow, Xikmad Carbeed baa waxay tiraahdaa " Maxamed Cali Maa Yakhali Mehertahu" Oo micna-heedu yahay, qof-na kama tago caadadiisa ama wixiisii xumaa, waa sidaase maantu Maxamed Farmajo wuxuu la yimi shaqadiisii ahayd "Ila-meerayso" 
Wadaadkii ina Cabdille xasan baa waxa ku jirey gabaya-diisii mid ka mid ah " Dhaaxaan jalaadaye dheg baan jalaq la ii siine" .. Akhristow wax badan baan idin lahaa oo shabakadaan ku soo qoray oo idin iri: War ninkaan Farmajo caadi ma aha, waa caqli caruur oo jid gala iyo mid ka baxa midna ma laha .. Aakhirkana dalka wuxuu u horseedi-doona Fawdo.

Maxamed Farmaajo maalin-ba ta uu keenaa tii hore ka daran, oo waa kadar oo dibi dhal iyo wax ka sii xune, saaka bay ugu daran tahay, oo uu kolba derbi isku qaadayaa, markuu meel uu qabsado waayey, ee uu albaab kastaa ka soo xirmay, saw ma aha markaas " Habar dhali waeyday Alleelo ku waalatay" sida muuqata ma jiro hadeer dariq u faran oo uu ku sii war-wareegi karaa .. Inkasto u weligiis ahaa nin iska uun yuura villa Somaliya aan talo la weydiin talana qaadan ayuu maantana wixiisii xilka lahaa buu is leeyahay waad ku sii wakhti dheraysan-karta, oo yiri shaqadi waxaan ka joojiyey Raiisal Wasaare Roble, kuna eedeeyey inu doorashadi wadi-waayey. taaso aan la garaneyn sharci ahaan sida ay ugu shaqeyneyso, koleyba haddi aan soo koobo ujeedadda uu ka leeyahay Farmaajo waxay tahay in marmarsiiyo aan u soconeyn u maalmo kale ku si war-wareego iyo isago leh waxbaad khiyaami karta, balse ku day bal inaad hesho muddo kororsi, 

Sheekada Maxamed Farmaajo waxay ku soo aruurtay wax khiyaame, dano gaara oo u raadinaayo oo ah khasab in lagu doorto iyo beelo la isku diro iyo dalki oo wareer la gasho, taaso micneheedu yahay inu dagaal saxiixay.

Akhristow ma jiraan wax la faah-faahiyo oo idin ka daahsoon, haddi aan la iska indha tireyn Shan sano oo kale miyaan u dul qaadan karnaa khal-khal iyo waali kale oo dalki iyo dadki la galiyo, mise ma la eegan-kara sida u guud ahaan dalku u sii burburaayo .. 

Dawladaan u hormoodka u yahay Maxamed Farmaajo dhinac kasto laga eego garaadki baa laga miirtay, ma jiro masuul ka mida maamulkiisa oo meel loo diran-karo, oo waxay horey kuugu qaban-waayeen miyaad hadder iyo shanta sano soo socota ka heleysa jawaabtu waa maya .. Villa somaliya waxaa ka socda wax qas iyo isku dir oo ka dhex faaiideyso mooyaane aan maanka wax kale ku hayen .. Maxamed Farmaajo waxa kaliya ee u dib isugu taagi-karo waa iyadoo si cad-cad loola xisaabtamo 

Hogaamiye waa masuul ummadeed oo xil lagu aaminay, loona doortay inuu hogaamiyo ummad ama ha yaraato ama ha badnaatee. Hogaamin-tuna waa haybad uu ilaahay qofka ku manaystay, ee maaha wax la iska yeel-yeeli karo, la isma amaahin karo, mana aha wax la iska sheegan karo. Waxad arkaysaa boqolaal jaamacad ka baxay oo aan hogaamin lahayn iyo shakhsi aan jaamacad dhigan balse ilaahay haybad u siiyey hogaaminta. Kuma xirna da'dda ama cimriga iyo waxa aad baratay, waxa jira qof da'diisu tahay labaatan sano, oo Hadana hogaamin-tiisu boqol goor ka fiicantay mid konton sano jiray ama ka badan-ba. mid kaloo ku andacoodda wax bana bartay laakiin wax uu yahay aanay jirin-ba
Hadaba Hogaamiyaha Dhabta Ahi Waa Midka Astaan Noocee Ah Leh?