Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Butin Ciil U Qabo Awgeed Dhoosha Ka Cartamaaya .. Yurub Nabadi Waa Ka Sii Dhoofeysa Oo Qarka U Saaran-tahay Inu Dagaal Ka Qarxo

Tuesday - January 18, 2022




Yurub hadda waxay qarka u saaran tahay inuu dagaal ka qarxo marka loo eego sidii ay ahayd tan iyo markii ay burburtay Yugoslavia-dii hore .. Waa kalamadaha adag oo u muuqday digniin kuwaas oo uu sheegay dublamaasi sare oo ree Yurub ah oo lagala hadlayay xiisadaha hadda kala dhexeeya Moscow, ee ku saabsan isku dhafka milatari ee ballaaran ee ay ka wadaan xadka Ukraine.

Niyadda Brussels waa mid aad u kacsan. Waxaa jirta cabsi dhab ah oo laga qabo in Yurub ay u janjeersato dhanka khalalaasihii amni ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, Laakiin xanaaqu gabi ahaanba diirada kuma saarayo rajada laga qabo dagaal dheer oo dhulka ah oo lala galo Ruushka oo ku wajahan Ukraine.

Dad yar oo ku sugan yurub ayaa aaminsan in Moscow ay leedahay awood millatari, oo waxa ay leeyihiin: “Ha ka fikirin lacagta ama dhaqaalahooda, ama taageerada dadka dalkooda.”

Run: Midowga Yurub wuxuu uga digayaa aqalka Kremlin-ka cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu qaaddo tallaabo milatari oo ka dhan ah dalka deriska la ah ee Ukraine. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock oo ku sugan Kyiv sidoo kalana booqday Moscow ayaa sidaas sheegtay Isniintii.

Sweden waxay boqollaal ciidan usbuucan dhamaadkiisa geysay jasiiradda istaraatiijiga ah ee Gotland – oo ku taal badda Baltic. halka Danmark ay xoojisay joogitaankeeda gobolka maalmo ka hor.

Xiisadda sii kordheysa ayaa sidoo kale dib u kicisay doodda labada dal ee Finland iyo Sweden ee ku saabsan inay hadda ku biirayaan Nato iyo in kale.

Laakiin walaaca ugu weyn ee ka jira Galbeedka ayaa ah- Washington, Nato, UK iyo Midowga Yurub waxaana aad u yar suurtagalnimada ah inuu dagaalka caadiga ah oo u dhaxeeya dalalkan uu ka dhaco Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay raadineysaa inay kala qaybiso oo ay khalkhal geliso Yurub – iyada oo dooneysa inay gilgisho dheelitirka awoodda qaaradda Yurub si Ruushka uu uga faa’iideysto.

Raysal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa ii sheegay dabayaaqadii sanadkii hore in reer galbeedku ay u baahan yihiin inay “ka kacaan hurdadooda la xiriirta juqraafyadda” ee ku saabsan ujeedooyinka Moscow.