Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Doorashadi Golaha Shacabka Ee Garoowe .. Xulashadi Saami Qaybsiga Golaha Baarlamaanka Reer Walba Inta Ku Haboon Oo U Ka Soo Muuqday Jeneraal Caan Ah Guusha Hinjiyey Axmed Taajir

Saturday - January 22, 2022




Garoowe- Doorashada Golaha Shacabka ayaa maanta ka bilaabatay maamulka goboleedka Puntland siiba magalaada Garoowe, waxaana halkaas lagu qabtay doorashada Shan kursi, oo ka dhacday xerada ciidanka ee 54-aad.

Xusul duubki oradki Shanta Kursi ee sida dhabta ah loogu xuurtooday, waxaa halkaas xubnihi ku soo baxay ka mida Jeneraalka caan baxay Guusha hinjiyey Axmed Taajir oo isagu beel ahaan ka soo jeeda beesha Leelkase, kursigaaso hadba qolo meerto u ahayed horay waxaa ugu fadhiyey Saadiq Warfa oo markiiba hambalyo siyey guusha Axmed Taajir

Warka la soo dusiyey ayaa tibaaxaya in heshiis la isku ogyahay la unkamay, kaaso ah in Doorashadii maanta dhacday xubnahaas Shanta ee la doortay dhamaantood waxay balan-qaadeen iney si abaal-guda codkooda siin-doonaan musharax Saciid Deni oo la filaayo inu isu soo taago jagada Villa somaliya, weliba si gaara Cabduulaahi Bidhan Warsame oo ah wasiirka kalumeysiga horayna loogu tuhmaayey Raga farmaajo, ayaa si dhaari ku jirto balan qaaday inu codkiisa kula kufi-doono Saciid Deni .. sidaas oo kale ayaa isagana waa xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh heshiiskaas mid la mida lala galay .. Labadaas xildhibaan waxaa kala watay islaan Ciise iyo Axmed Karaash oo iyaguna dhinacooda ballan qaad u sameeyey Saciid Dani .. guul wacan