Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nabsiga Waa Daruuraha Cirka Iyo Dabeyshaas Daqiiqad Walba Is Badalaaya..Kheyre Malmahan Seefta Dhex Miraneysa .. M. Qaasim :Kheyre Taladi Dhiibista Q/Dhagax Aan U Soo Jeediyey Waa Igu Hardiyey

Monday - January 24, 2022



Wasiirkii hore ee Gargaarka XFS Maryan Qaasim, ayaa soo dhaweysay laalitaanka Golaha Wasiirada XFS ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee go’aankii Golihii Wasiirada ee Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay 2017-kii ugu aqoonsadeen Urur Argagixiso jabhadda ONLF 

Maryan Qaasim oo kamid aheyd Wasiiradii sadexda ahaa ee go’aankaas ka horyimid, xilligaas ayaa sheegtay inay ku faraxday horey soo deyntii Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax, oo loo dhiibay Itoobiya, aysana fileyn in uu sii noolaan doono, iyo in maanta laga saaro liiska Argagixisada ONLF, oo waxay ila noqotay qaadan-waa, waxaana dib u soo xasuustay wixii aniga iyo Kheyre waqtgaas dooda na dhex maray, waxaan ku iri Keyrow war qalbi-dhagax intaad dhibi-lahayed Axsan waxaa ka ah adigi Tirka Ku Toogta waase iga diiday oo jawaabtiisi hadadaad ka muuqatay ugu dambeystiina waa anigaa shaqadi saga tagay 

Sidoo kale, Maamo Maryan ayaa xustay in wax laga xumaado ay aheyn in halgamaa Soomaaliyeed loo dhiibo cadowgii uu dhulka ka difaacayay, iyo in Urur argagixiso loo aqoonsado jabhaddii xaq u dirirka aheyd ee Soomaali Galbeed .. Maama Maryan ayaa hadalkeedi ku soo gabagabeysay oo tiri: Waqtiga waa is badalaya kharaar iyo macaan wuu leeyahay, kibirkuna ma sii dheeraado