Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa Khudbad Ay Mudan-tahay In Qof Wallba Muslim IYo Gaalo Ay Akhriyaan .. Khudbadi Dardaaran Ee Nabi Maxamed CSW Uu Ujeediey Bani'aadamka Oo Dhan

Tuesday - January 25, 2022



Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH) Ka jeediyay Carafa.9kii Dulxija Sanadkii Tobonaad ee Hijriyada ayay ahayd markii uu Rasuul-keenna Suuban (NNKH) uu Bini Aadamka oo dhan uu ujeediyay khudbad ay mudantahay in qof walba Muslim iyo Gaalba ay akhriyaan. Waxay ahayd Xajkiisii Ugu horeeyay Uguna dambeeyay ee rasuulku soo guto. 

Waxaynu oghayay in Nabi Muxamed (NNKH) uu afar jeer soo cumraystay Balse uu hal mar kaliya soo gutay waajibaadka xajka .. Khudbadiiuu Rasuulku Maalintaas jeediyay waxay ahayd, fariin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii Rasuulku maalintaas sheegay. 

Rasuulku wuxuu yiri: Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono, Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan. Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed .. Dadyahaw xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina la kulmi-doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada .. 

Rasuuku wuxuu Yiri: Dadyohow dhiigiina iyo maalkiinu waa idinka xaaraansan-yahay. Midkii idin ka mid ah ee amaano haya ha u celiyo qofkii iskalahaa .. Ribbo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faaidadiin idinkaa iskaleh. Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee oo Ha iska aargoosanina Dhiigii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.

Rasuulku wuxuu kalo dadkiisa kula dardaarmay oo yiri: Dadyohow iska ilaaliya Shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idin ku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed oo Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin , Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa .. Haweenkiinu waxay xaq idiin ku leeyihiin, inaad si naxariis leh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lamaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.

Rasuulka wuxuu intaa dardaarankiisi si raaciyey: Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta. Caabuda Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Sooma bisha barakaysan ee soon-qaad, ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadii aad awoodid .. BiniAadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Adam iyo Xaawo, Carabtu kama sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna kama sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, Islaamnimadu waxay ku dhisan-tahay walaaltinimo.

Wuxuu Rasuulka intaa si raaciyey oo yiri: Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaa daraadeed si fiican U dhuuxa warkayga, waxaan idiin kaga tagay laba wax-yaalood oo kala ah: Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan oo Intiina i dhegaysanaysaay warkayga usii gudbiya inta aan nala joogin, waayo waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.

Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soo degay oo ay kamid ahaayeen (Maantaan idiin kaamilay Diintiinna, waxaana idiin taamyeelay korkiina nimcadayda, waxaana idiinka raali noqday islaamka diin ahaan)

Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo Codka kor u qaaday, wuxuu yiri ”iLaahayoow Markhaati ka ahoow inaan fariintaadii u gudbiyay Dadakaaga”—–
 
Akhristow waa u jeeda Dardaanka Rasuuki Nabigeena Maxamed NNKH Ee DHAMAATEEN AAN IS CAFINO .. RUUX KASTANA WALAALII HA SAAMAXO..