Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hambalyo Bisha Ramadaan Ee Kheyrka Iyo Wanaaga .. Waa Bishii Burhaanta Iyo Waxyiga .. Waa Bishi Nabi Maxamed La Boqray Ee U Dacawada Ku Baaqay .. Ducada U Ban-baxa Oo Sujuuda Booba

Friday - April 1, 2022



Soomida Bisha Ramadaan Waxay Qeexda Musllinimada Qofka Muslimka ah .. Bisha Ramadaan waxay Muslimiintu ka soomaan oo joojiyaan Cuntada, Cabbidda, Aflagaada, Beenta, Xanta, isku dirka, dagaalka iwm si ILaahay (SWT) u aqbalo soon-kooda inta u dhaxaysa waaberiga ilaa qorax-dhaca. Iyada oo qofka Muslimka ah ay waajib ku tahay inuu soomo Bisha Ramadaan ayaa hadana Quraanka Kariimka ah caddaynayaa in marka qofka Muslimka ah uu ku sugan-yahay xaalado gaar ah aan laga rabin inuu soomo sida haweenka uurka leh, dadka gabooba, haweenka dhiigga qaba; dadka qaba cudurada halista ah sida macaanka (Diabetes), dadka safarka ah iwm. Laakiin dadkaas waxaa laga rabaa inay gudaan ama qalleeyaan maalmaha ka tegay Bisha Ramadaan haddii ay awoodaan, haddii kale waa inay quudiyaan dadka masaakiinta ah. 

Bisha Ramadaan waa 29 ama 30 maalmood. Tirada maalmaha Bisha Ramadaan waxay ku salaysantahay Kaalandarka Dayaxa.

Sido kale  bishaan waa Bil Caafimaad Oo Biririx Cudur Laga Bogsanaayo .. Soonku waa mid ka mid ah 5ta tiir ee Diinta Islaamka kuwaas oo ah saldhigga nolosha dadka Muslimiinta ah. Tiirarka kale waxay kala yihiin: Shahaadada, Soonka, Zakada iyo Xajka loo aado magaalada barakaysan ee Maka .. Soomidu waa waajib Bisha Ramadaan si loo kasbado abaalmarinta Ilaahay (SWT) 

Dhamaan Muslimiinta meelkasta oo ay joogaan Waxaan idin Rajeynaya Ramadaan wanaagsan ilaahay jidkiina ha ku waafajiyo xoog iyo iftiin idin ka caawin-doona dhisida qalbigiina .. Hana idin siiyo Tawfiiq iyo Barwaaqo biishaan barakeysan Ee Ramadaan