Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa "Qaybti Labaad" Taxanaha Akhbaarti Facda Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Abuuristi Qoomki Jaan Iyo Jin Ee Arlada Dusheeda Ku Noolaa Laba Kun Oo Sano Ka Hor Aadam Iyo Sidi Loo Dabar-gooyey

Sunday - April 3, 2022




Culimada cilmiga sare oo ka mida kuwa islaamka ayaa isku waafaqsan in Alle kor ahaaye wax aan asal lahayn amase mitaal lahayn wax ka abuura .. Alle marku dhameeyey abuuristiisi cirka iyo dhuka iyo wixii la xariiray ayuu dhulka ku abuuray khalqi u ka mid yahay Jaan Iyo Jin, kuwaaso ka horeeyey intaan la abuurin Nabi Aadam CSW, waxayna ka koob-naayeen illa 28 Umadood oo si kala gaara u abuurnaa nooc gaara sida kuwa loo ekeysiiyey Dumar leh Timo iyo Naaso oo wax Lab ah aysan ku jirin .. dumarkaas dabeysha ayaa rimin jirtay, waxayna dhali jireen dhal iyaga suradooda leh 

Culimada qaar ayaa kutubtooda ku xusta in Jiniyada-Shayaadiinta ay qabiil ahaan u kala baxaan 35 qabiilo, oo 15 ka mid ah ay hawada duulaan, halka 10 ka mida u afkooda olol ka baxo .. qoomamkaas waxaa la sheega in qabil kasta oo ka mida ay leeyihiin boqoro un sharka ka taliya, waxaa kalo kutubta taariikhda ku xusan in qaar ka tirsan jiniyadaas ay yeeshaan suurad ay Dumar iska digaan oo dabadeed guursadaan Raga insiga ah.

Saxaabigi Weynaa ibn Cabaas ilaahay ha ka raali noqode, wuxuu yiri inta badan bahalada gurguurta waxay leeyihii sifada Jinka, oo xitaa Eyga waa nooca Jinka wax ku leh, oo haddi ay arkaan idinko wax cunaaya cunta wax uga tuura, maxaa yeelay wuxuu awood u leeyahay inu ishiisa sida leysarka ku qaato.    

Jaanka iyo afadiisa oo laga abuuray Olol Dab aan qiiq lahayn,waxay markii ugu horeysay iska dhaleen 21 Ukumood oo kii ugu horeeyey u ekaa suurad Makhluq qaab-daran "Curi" iyo kuwi kale oo suurad bahalo qaabdaran leh oo kala gadisan, kuwaaso tarankooda Mashriq illa Maqrib buuxshay .. Alle waxuu uga digay Reer Jaan iney alrada aysan fasahaadin iyo dhiig daata, waxuuna khalqigaas madax uga dhigay ibliis oo ka mid ahaa isla isrka Jaan, laakiin ma ay yeelin balse arladi fasaad galiyeen .. sida ay xuseen culimada ka qisoota taariikhihi Zamanka .. Umadahaas jinka waxay arlada dusheeda ku noolaayeen laba kun oo sano ka hor Aadam.

Ibliis oo isagu markaas Caabud Alle ahaa, marku arkay falalka argagaxa lahaa ee ay sameynayaan Qoonkiisa, waxuu Alle ka baryey in reerkaan reer Jaan aan lagu ag-cibaadeysan-karin oo ay yihiin Qoom an wax rajo ah lahayn sidaa darteed codsaday in kor iyo samada loo qaado .. Alle waa ka aqbalay codsigi ibliis waxuuna Alle ciidan malaaigtiisa ka mida ku amray in la laayo reer Jaan, sidaa daraadeed wixii Jaan iyo Jin ahaa malaaiigti soo dagtay ayaa cagta marisay oo hoog iyo layn aan la arkin u geysatay wixii ka harayna baqo u yaaceen jaziiradaha qaaradaha aduunka

Isla markaa malaaiigta oo amar ku haystay in Ibliis samada la geeyo ayee halkii ka xambaareen oo geeyeen halka ay Alle ku caabudaan oo isagi malaaiigta la cibaadeystay .. ibliis sidaas ayuu Samada ku tagay oo marnaba ma ka mid ahayn malaaiigta, balse wuxuu ka mid ahaa jinka, laakiin ibliis wax kasta oo Alle wanaag u sameeyey, waxuuse noqday mid qiyaasuhu ka xumaadeen isla sareeya aan abaal gudin oo ugu dambeyn Samada ayaa laga soo tuuray oo wakaas umadi dunida walaaqaya