Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa " Qaybti Sadexaad" Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Abuuristi Nabi Aadam CS Iyo Xaaladi Ibliis Oo Mar Qura Is Badashay

Sunday - April 3, 2022




Ilaah wuxuu abuuray waxyaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin. Waxaa ka mid ah waxyaabahaas maalmaha kala duwan .. Ciida oo la abuuray maalin Sabti ah .. Geedaha oo la abuuray maalin isniin ah .. Buurah oo la abuuray maalin Axad ah ..  Cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah .. Nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah iyo Khamiis oo la abuuray wax-yaabaha kheyraadka ah .. Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray nabi Aadam CS maalin Jimca  ah salaat casar ..  kadib Allaah Subxaana Watacaala malakul jibriil ayuu samada ka soo diray kuna yiri dhulka iiga keen Caro si nabi Aadam loo sameeyo.  Jibriil sidii ayuu sameeyey Illaah nabi Adam ayuu abuuray waxuuna ku dhax abuuray janada, waxaana  laga abuuray ama laga sameeyey nabi Aadam ciid ama caro medebkeedu kala duwanyah. 
Nabi  Adam, Afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii la sameeyay kadib. Afartan cisha kadib naf ayaa Illah ku afuufay nabi Aadam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore. Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay  Ilaahne waa  u duceeyey.  Nabi Adam cunitaan ayuu ku bilaabay mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd ka  ah.

Janada waxaa ku noolaan-jirey malaa’ikta iyo ibliis oo markaas qof wanaagsan ahaa. Ibliis nabi Aadam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna ku noolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Aadam CS la abuur-dhameeyey, ilaah wuxuu amray malaa’iktii  iyo ibliis in ay u sujuudaan nabi Aadam .. Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo nabiga asago iska kibriyay iskalana weyn amarka Eebe iyo nabigaba. 

Ibliis wuxuu yiri isaga oo is kibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey Carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey Naar ama holac waana run oo ibliis waxaa Eebe ka abuuray Naar laakin amarka Eebe wuu diidey in uu raaco .. Ibliis maalinba maalinta ka danbeyso  naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdada asag oo la yaaban ujeedad lo abuuray nabi Aadm CS. Markii ibliis diidey Alle amarkiisa, janada ayaa laga ceyriyey ayada oo naxariis iyo raxmad Eebe laga fogeeyey. Dambigaas oo ahaa dambigii ugu weynaa oo Illaah laga galo.

Nabi Adam janada ayuu iska dhax joogi  jirey, markaas cidlo ayuu dareemay Janada dhaxdeeda. Illaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray nabi Aadam feeriisa si ay wehel iyo xaas-ba ugu noqoto. illaah SWT wuxuu ku yiri Aadam iyo Xaawo dega janada dhaxdeeda kana cuna meeshaad doontaan illaa Geed laga xarrimay mooyee.  

Ibliis markii janada laga ceeriyey kuma herin intaas kamana quusan ee wuxuu isku diyaa-jiyay maalin kasta sidii uu nabi Aadam iyo Xaawo uga saari lahaa janada. .. Albaab kasta oo janada malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis janada uusan u gelin, balse Ibliiis maalin-kasta wuxuu u tagi-jiray xayawanada oo markaas hadli jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada igeliya ,  maalin maalmaha kamid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha abeyso soona galisay janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad , isla markiina wuxuu ku degdegey sidii uu nabi Aadam u waswaasin lahaa ugana saari lahaa janada. Ibliis wuxuu kula taliyey nabi Aadam in uu cuno geedkii Alle ka reebay ama ka xarrimay kuna caasiyo illaahiisa. 

Nabi Adam wuu ka diiday waxii ibliis u soo bandhigay iyo in uu ku caasiyo Rabigiis. Ibliis wuu ka quustay nabi Aadam kumana guuleysan in uu cunsiiyo geedkii, laakiin ibliis wuxuu u degdegey Xaawo kuna waaniyey in ay cunto geedka .. ibliis wuxuu ku dhahay Xaawo iyo Aadam ilaahay wuxuu Geedka idin ka reebay ineydan noqon labo Malak oo waara ee Aadamow iyo Xaawo geedka cuna si aad u waartaan

Xaawo Geedkii ayey ku booday oo goosatay, kadibna wey cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa,  Xaawo markey cuntey geedkii waxay ku khasabtey iney cunsiiso nabi Aadam , laakin wuu ka diidey in uu caasiyo illaah. Xaawo waxay ku  dhahdey nabi Aadam ima soo gashid ilaa aad soo cuntid geedka ee akteyda ka fogow .  Nabi adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku khasabtey in uu cuno geedkii ilaah ka xarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah .. Xaawo iyo Adam janada ayaa laga soo saarey maadama ay caasiyeen ilaahay. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.

Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Mako iyo india, Xaawo Maka-Jida halka nabi Aadam lagu tuuray india, meeshaas ayey isku waayeen , nabi Aadam Xaawo ayuu radiyey kadibne ilaah ayaa is haleeshiyey kadibna waxey aadeen Maka. Halkaas Adam iyo  Xaawo nonol ayey ka bilaabeen  iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa. 

Xaawo waxey  dhashey afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna  uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo la kale dhaho Qabil iyo Habil.  Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Aadam u guuriyo mataanka hore mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan .. Qabil  wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna  yiri waxaa kaliya oon guusan mataanteyda  laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo aabihiis nabi Aadam CS. 

illaah wuxuu amrey Qabil iyo Habil in ay sadaqo la baxaan, qofkii la aqbalo sadaqadiisa ayaana guursan gabadha. .. Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna sadaqeystey wixii ugu wanaagsanaa  xoolihiisa madaama uu ahaa nin xoolaaley ah, laakin Qabill oo ahaa nin beeraaley ah wuxuu bixiyey  waxii ugu xumaa beertiisa ..  illaah wuxuu aqbalay sadaqdii Habil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qaabil intaas kadib wuu xanaaqey , sheydaan ayaana  ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Habil, kadibne dhagax ayuu ku diley. Meeshaas Qaabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta la dilo Qaabil dambiga qofkaas  bar ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qaabil qofkii qof dilo ugu horeeyey aduunka .. Nabi Adam wuxuu  noolaa kun sano, kun sano kadibne ilaah ayaa oofosaday. Nabi Adam  (scw) malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.