Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dadaalo Kabash-Kabash Bisinka Iyo Subxaana-Lahaa Lagu Raadinaayo Xilka Raiisal-Wasaaraha Oo Si Xawli Ah Uga Socda Mogdisho Laakiin Waxaa Ordaaya Kuwa Dhan Walba U Booda Aan Duqsi Lagu Aamini-Kain

Saturday - May 21, 2022



Mogadisho- Dadaalo iyo Kabash-kabash, Bisinka iyo subxaana-laah lagu raadinayo xilka Raiisul-wasaaraha ayaa si xawli ah uga socda magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku soo xoomay Dad leh Talaan Raiisal-wasaraha ka bixineynaa, kuwaaso intooda badan wax aysan aqoon u lahayen oo ka hadlaaya fikir iyo faaqidaad

Sida la sheegay in ka yar Hal asbuuc, waxaa Xasan Shiikh toos Talo u siiyey in ka badan Afar Kun qof, sido kale waxaa la xusay in si dadban xaga isgaarsiinta E-meylka taladaas u soo marsiisay illa tiro lagu qiyaasay Shan kun Qof .. Dadka talada bixinaaya qaarkood wax aynan aqoon ayey talo ka bixinayaan, oo kii Beeraha bartay wuxuu Talo ka bixinaya Nabadgalyada, Kii Nabadgalyada barteyna wuxuu Talo ka bixinaya ganacsiga, sidaaso kale kii Farsama-yaqaanka ahaa wuxuu Talo ka bixinaya Siyaasada, isla markaa kan Taxi Driver wax kasta ayuu Tala ka bixiya .. waxaase jira kuwa wata Talo qorsheysan oo ujeedadu tahay iney saaxada soo galiyaan kuwa aan Diqsi lagu aamini-karin
 
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo biyo hoostood wax ka walaaqaya, ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho,waxaana lagu soo waramaya in uu dhankiisa waddo dadaallo ku aadan sidii xilkaasi uu mari-lahaa shakhsiyaad isagu wato oo ah Reer Puntland .. Qaar ka mid ah xildhibaanadii doortay Xasan Sheekh Maxamuud ee ololihiisa hormuudka u ahaa dhankooda wadda shaqsiyaad ay u arkaan in ay yihiin kuwo u qalma in ay noqdaan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo si daba-ruxa u nacam-leynkara .. 

Madaxweynaha cusub ayaa lagu soo waramaya in dhankiisa weli uusan qaadan go’aan ku aadan cida noqonaysa Raiisul wasaaraha, waxaana sanadkaan Jubbaland ay dadaal ugu jirta qof dhankeeda ka socda uu noqdo Ra’iisulwasaaraha .. waxaana jagadaas dhinaca Ogaadeenka u sharaxan illa Toban Qof, halka shakhsiyaad Beesha Harti oo u badan Majeerteen ay ka yimaadeen illa 11 Qof soo gudbisay taariikh la xariirta aqoon-tooda iyo wax-qabadkoodi .. Sido kale Beesha Tanade-Leelkase ayaa iyagana dhinacooda iska soo gudbiyey codsigooda Raiisal-Wasaare, oo iyagu malaha rajo badan ka qaba  

Madaxweynaha cusub ayaa xilka la wareegi doona maalinta isniinta ah ee soo socota, ka dibna 30 maalmood guhahood ayuu ku dhawaaqi doona Ra’iisulwasaaraha, waxaase dhicikarta inu waqtigaas ka soo hormaiyo