Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dulmigu Shalay Galay Nin Daawee La Leeyahay .. Farmajo Oo Shaaciyey Xogta Askarti La Geeyey Eitrea Iyo Waalidiinti Wada Gama'saneyd Oo Gurxamaya

Monday - May 23, 2022




Muddo dheer ayaa Maxamed Farmaajo gar-diiday inu ka hadlo dhalinyarada la geeyey dalka Eretrea, isla markaana taagera-yaashiisa ay oran jiren warkaas waa war Mucaarad oo wax daliil cad looma hayo, hasa ahaate khudbadi u maanta ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayuu ka dhawaajiyey arrimo ku aadan askartii loo qaaday wadanka Eritrea.

Farmaajo ayaa ka sheegay xafladi xil wareejinta in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea kuwaaso sida u sheegay tira ahaan dhan 5000 oo Askri ayna diyaar yihiin .. Farmaajo ayaa warkiisa intaa ku daray in askartaas ay tababarki dhameysteen, balse dib loogu dhigay doorashada darteed .. Ujeedka ciidamadan Eritrea loo geeyey waxa uu ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, 

Waxaae war hoose lagu xaqiijinaya in askartaas ay u afduuban-yihiin madaxweyne Afawerke ee seefta gardiidka galka kala soo baxa ayaa dalbaday kharaj dhan 70- milyan doolar oo uga baxday tababarkoodi .. waxaana la sheegay in heshiisku ahaa ballan-qaad ay sameysay dawlada Qadar iney kharajka halkaa ku baxo ay iyadu bixi-doonto, hasa-ahaate kharjkaas lama helin

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u muuqday nin aan ku qanacsaneyn sababaha la sheegay iney halkaas sanado badan ku joogaan tababar awgii ayaa ka hadlay arrintan oo sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidin-tooda.

Si kastaba wax ha u dhaceene dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar la soo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda, waxaa kalo walaac ka jira tirada dhabta ee askartaas maa daamala yiri in badan oo ka mida askartaas ayaa dagaaladaas lagu dilay, taaso muran iyo xaalad cusub ka dhalan-doonto.