Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ayaanba- Ayaan Baa Ka Dambeysa .. Mahad Salaad Oo Loo Magacaabay Hay'ada Nabasugida Qaranka

Thursday - May 26, 2022




Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA ..  Taliye Mahad oo 5-tii sano ka mid ahaa baarlamaanki Somaliya, wuxuu ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, 

Waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb qaatay abaabulkii ciidan ee looga hortagayay xoogagga Ahlu-Suna ee Guriceel .. Mahad Salaad waxaa lagu xusuustaa in markii uu madaxwayne Farmaajo isku dayay in uu muddo kororsi sameeyso uu ka mid ah dadkii horkacayay ciidamadii loo bixiyay "badbaado qaran".

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa la sheegay inu dhashay sanadki 1980-kii kuna dhashay magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud isagoo wax-barashadiisi dugsiga hoose ku dhameystay magaalada Dhuusamareeb, halka tacliintiisi dugsiga sare iyo ti jaamacada u ku soo qaatay dalka Masar