Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Mid Ka Mida Taxanihi Taariikh Ee Ay Soo Martay Dawladi China .. Burcad Madax Noqotay

Monday - June 13, 2022




Taariikhda Dawladihii Shiinaha ee hore mid ka mid ah ayaa kala daadatay oo noqotay dawlad faashil ah sidi somaliya .. Burburkii dawladood waxa dadkii ugu darsmay Abaaro iyo Dufaano is daba-jooga, Cunadi ayaa yaraatay; dadkiina gaajo iyo macaluul ayaa ku habsatay. Waxana u xigay Qas iyo Qalalaase.

Dadkii maatada ahaa gaajadii iyo macaluushii waxa ugu darsamay Burcad iyo Tuug dhac iyo dil la dhex gashay. Xaaladdii waxay gaartay in laga quusto in noloshu mar kale caadi ku soo noqoto.

Dadkii iyaga oo quus jooga ayaa wixii Madax iyo Waayeel is helay kadibna arintaa ka shiray .. Shirki doododo badan kadib waxaa shirki laga magacaabay Nin kalsooni weyn lagu qabay oo ayay u doorteen hogaamiye inu dalka ku soo celiyo Nabad gelyo, xsilooni, iyo maamul kala dmabayn iyo haybad leh.

Hogaamiyihi wuxu hawshiisii ka bilaabay in uu Ciidan amaanka suga dhiso .. Xayeysiis ayuu u sameeyay ciidanka uu doonayay in uu dhiso. Saddex heer oo kala sareeyana ayuu u yeelay:

- Heerka ugu sareeya wuxu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Dad-dil iyo Burcad. Waxaanu ka dhigay madaxdii u saraysay ciidanka isagoo mushahaaradii ugu badnaydna u qoray. 

- Heerka labaadna wuxu Ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Tuug, oo Derejadii iyo Mushaharkii labaad lagu qaatay. 

- Heerkii Sadeexaad ee ciidankana waxay noqdeen Dhul-jiifkii gurdan raacay Burcadda iyo Tuugta oo noqday askartii ciidanka, mushaahaardii u hoosaysayna loo qoray.

Muddo Laba todobaad gudahood ayaa Taliyihii arrinta loo xilsaaray dhisay Ciidan Kun Askari ku dhow. Ka dibna ciidankii ayuu habeeyay oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay. Markii uu ku qancay in uu ciidankii gaarsiiyay halkuu la doonayay, ayuu soo tubay oo la hadlay.

Wuxu ku yiri, "Wixii dembi ah ee aad qof qof u gaysateen waa laydinka saamaxay. Mar dambena laydiin raacimaayo. Hasa yeeshee waa in aad ka Toobad keentaan iskana mayrtaan dembiyadii aad  qaranka ka gasheen oo Si aad dembiyadaa isaga mayrtaana waa inaad Budhcaddii iyo Tuugtii saaxiibadiin ahaa ee ku soo biiri-waayay ciidanka soo qabataan haddii ay idin diidaana laaya!"

Ciidankii qorshihii Taliyuhu u dejiyay ayay si dhab ah u fuliyeen. Waxaanay ku guulaysteen muddo sanad gudihiis inay laayaan saaxiibadood oo ciribtiraan Burcaddii iyo Tuugtii. Ka dibna dadki waxay heleen nabad-gelyo, xasiloon iyo maamul dawladeed!!!