Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Hantidi Ummada Ee La Fut-futeynaayo Sidii Muq-mad Aroos .. Beyle Waa Macangag Xeer Qabta Waa La Waayey

Monday - June 27, 2022



Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa iska diiday in uu hor tago xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka, kadib markii horay Xeer ilaalintu u dalbtay in Wasiirku hor-yimaado, taaso ujeedadu ahayed in la weydiiyo xisaabaad malaayiin lacageed oo la sheegay in si gaara loo lunsaday

Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u Cuskaday qodobbo u ku sheegay Dastuuri,waxaana uu sheegay in xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka uusan awood u leheyn in uu u yeero isaga, taa baddal-keedana looga yeeri karo oo kaliya Xafiiska Gar-yaqaanka guud ee Dalka.

Wasiirka Xil-gaarsiinta ah ayaa intas ku daray in uu u hoggaansami doono soo jeedinta iyo go’aamada uu u soo jeediyo Xafiiska Gar-yaqaanka Guud ee dalka, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in Xeer ilaalintu ay soo marto Xafiiska Gar-yqaaanka.