Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Iyadoo Malab La Nuugi-karo Waabaayo Miya Naf La Biday .. Raisal Wasaare Xamsa: Waa Yaabka Yaabkiise Dawladnimadu Ma Baasta Ma Qurac La Duubaya

Wednesday - June 29, 2022




Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu tageerayay oo caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dhowr arrimood nasiib daro ku ah umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo lama huraan ay tahay in deg deg looga soo kabsado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in uusan aqbali karin in Gabar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo aan muslim aheyn ay ammaankiisa sugto oo ka ilaaliso dad kale oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo heysta dhul qani ah ay gaajo iyo harraad u dhintaan, iyagoo u muuqda biyaha webiyada mara qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Isla markaa, wuxuu tusaale u soo qaatay dhibka ka taagan in la isaga kala safro dalka gudihiisa, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in safar kasta oo maagaalo ka tirsan Soomaaliya loo aadayo ay waajib tahay in diyaarad la raaco.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo khudbadaan ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo hotel Jazeera ay ugu sameeyeen ardaydii wax ku soo baratay dalka Malaysia oo isagu uu ka mid ahaa ayaa balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta xaaladaan cakiran.