Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Boqorki Namruud Kibir Awgi Arlada Ku Qooqay Iyo Ciidanki Kaneecada Ee Lagu Haligay

Thursday - June 30, 2022



Namruud wuxuu heshiis la galay Ibliis, wuxuuna baray sirta sixirka-maajiga, dabadeed isagoo fulinaaya amarka ibliiska wuxuu dilay Aabihi Kuush oo halkaas ayuu kursigi boqor-tinimada ku dhaxlay .. Namruud isla markii uu kursiga salka dhigayba, wuxuu bilaabay inu boqor-tooyinki ku hareersanaa oo dhan soo qab qabto, taaso keentay in Awooddiisi laba-jibaarantay illa u noqday boqorka todobada Ee adduunka

Boqor Namruud Intaas uun kuma uu joogsan ee waxa uu damcay awood dheeraad ah. waxa uu doonay in uu cirka ku duulo. Waxa uu soo ururiyay Lix boqol oo Kun oo qof oo injeneera ah oo uu ka soo kaxeeyay dhammaan boqor-tooyinkiisi todobada gobol-ba .. Waxa uu amray in ay dhisaan fooq cirka ku dhereran, oo daruuraha in badan dhaafaya, waxaana dhismahaas ka qayb qaatay ciidama jin ah oo ibliis u keenay .. Fooqaas weyn oo ahaa Qasrigi Namruud wuxuu ka mid ahaa todobada Cajaaiib ee Aduunka

Maalin maalmaha ka mid ah Namruud waxa uu ku jiifay dhabta xaaskiisa Samiiraamis .. hurdo ayuu galay waana riyooday .. Riyadi wuxuu ku arkay fardo-fuulo faraskiisa fuushan oo hawada duulaya .. wuxuu is arkay isagoo Samada Duulaaya oo la diriraaya nin kale oo faras fuushan iyo Meere iftiimaaya oo meesha ka soo muuqda iyo Meere kale iftiin badan oo meeshi fariistay .. wuxuu arkay farda-fuul meesha taagan oo u soo socda dhankiisa .. Namruud isagoo qaylinaaya ayuu hurdadi ka soo kacay

Waxaa la soo aruuriyey dadkii ugu aqoonta badnaa dalka Baabil, si ay ugu fasiraan riyada Namruud. Waa ay ka baqanayeen in ay runta farta ka saaraan, hasa ahaate ugu dambeyn runta ayey farta ka saareen oo yiraahdeen: Waxa dhulkan ku dhalanaya wiil cajaaiib ah oo wax badan burburin-doona .

Namruud waa carooday caro argagax leh. waxuu isla markiiba amray in la dilo dhammaan wiilasha dhalanaya toddobada gobol-ba .. Ciidankiisu waxa ay gaaf-wareegi jireen guryaha, carruurtana waa ay layn jireen .. Maalmahaas waxa dhashay Nabi Ibraahiim CS, hooyadii ayaana ka qarisay ciidankii Namruud. illaa uu weynaaday oo uu qaan-gaaray .. Reer Baabil waxa ay ahaayeen kuwo caabuda Meerayaasha iyo dayaxa .. Cadceeddu waa ilaahooda weyn waana boqor Namruud, dayaxuna waa ilaahooda yar waana xaaskiisa Samiiraamis .. Namruudkan la caabudaa isagu shaydaanka ayuu hoos tagi jiray .. Nabi Ibraahiim waxa uu bilaabay in uu dadka ugu yeero dacwadda, waxaana dhacday weydiinti caanka ahayed ee burburinta Asnaamti iyo ugu dambeysti sidi loo jabiyey doodi Namruud

Xiligaas laga soo bilaabo caado cusub ayuu bilaabay Namruud ..  waxaa qorta uga duubmay laba Abeeso oo jin ah .. labadaas wuxuu maalin-kasta ku quudin-jiray Madax caruur la soo dilo .. laakiin gacan-yarayaashiisa ma fahmi jirin cabaayada Madow ee hoostiisa ka dhaqdhaqaaqeysa oo u markasta xiran-yahay iyo waxa maalinkasta u rabo in laba madax dad loo keeno
 
Namruud ayaa maalin ciidankiisi diyaariyey su cagta u mariyaan shacabkii caruurta madax laga guray oo markaas mudaaharaad Qasrigiisa ku hor sameynaayey .. laakiin sidi loo joogay dhinaca Cadceed waxbaa ka soo muuqday wax bartooda la garan waayey .. Awooddii uu in badan raadiyay Namruud ee uu waayay, waxa ay maanta goosatay in ay wax tusto .. awoodda Ilaahay ee ah abuuraha cirka iyo dhulka iyo wayna-hooda. Si kedis ah oo aan wargelin jirin waxa ay dhammaan ciidamadi arkeen ciidan kale oo dhinaca bari ka soo socda, ciidan sammada ka yimi. Ciidan badnidiisa cadceeddii qariyay, waa ciidan kaneeco ah.

Kaneecadi hoos ayaa ay u soo dagtay iyada oo ku dhex dhacday ciidankii Namruud. Waa ay isku dhex-yaaceen ciidankii Namruud, iyaga oo mid kastaa isku dayayo in uu baxsado .. Kaneecadani ma ay ahayn mid caadiya, waxa uu ahaa nooc kaneeco ah oo aanu dhulku hore u arag xataa casrigii Dhaynasoorta .. Waa nooc bahal ah, waxa uu qaniinyo ku dhammeeyay ciidanka Namruud. Hilibkoodii dhulka ayuu warnaa .. Namruud iyo xaaskiisa oo dhiig ka qulqulayo waxa ay isku dayayeen in ay meesha ka baxsadaan, oo aanay kaneecadu soo gaarin .. Namruud ayaa cirka eegay, kadibna waxa uu yiri: Yaa aad tahay kan awoodda lehoow? Halkeed joogtaa? Ma shaydaan ayaa aad tahay? Waxa ay u muuqatay in uu faraskoodu ka dheeraynayo kaneecada, balse hal xabbad oo kaneeco ah ayaa soo gaartay; wax cajiiba ayaa aanay samaysay. Waxa ay ka gashay sanka, oo maskaxda ayaa ay fariisatay. 

Namruud waxa uu waayay dheeli-tirkii oo waa u dhici gaaray waxaase soo qabatay Samiiraamis, oo faraskeeda ku soo wareejisay. Waa ay oroday ilaa ay kaneecadii kale ka dheeraysay, waxaanay galeen fooqii qsriga Baabil. Albaabadii ayaa ay soo xirtay .. Namruud xaalladiisi caafimaad waa ay ka soo daraysay oo Kaneecadii sanka ka gashay maskaxda ayey fariisatay. Markasta oo ay dhaqdhaqaaqdo Namruud waa lagu kacayay, mana uu nafiseyn illaa kab wejiga lagala dhaco .. Namruud oo la barooranaaya dhaq-dhaqaaqa kaneecada xanuujineysa ayaa kacdoonki shacabka u soo galeen tiirka ayaa laga soo laa-laadiyey dadkuna waa ay daawaneyeen .. Labadi Mas ee hoosta uga jiray ayaa cad-cad madaxiisi u kal goostay iyagoo gaajoonaaya 

Waxa ku soo xoomay raqdii Namruud carruur timo dhaadheer, oo indhahoodu dhalaalayaan. Labadii Mas waxa ay cuneen xubnihii uugu danbeeyay ee cadkii Namruud, illaa ay ka soo baxday madaxiisa kaneeco u duushay meeshii ay ka timi. Sidaa ayaa ay taariikhdu u laabtay boggii ugu danbeeyay ee nin ku qooqay dhulka, oo ku kibray; dhammaadkiisu waxa uu dhigmayay heerka qooqiisa. Waa boqor Namruud.