Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Sadaqadu Waxba Kama Nusqaamiso Maalka Waxayna Daawo U Tahay Cuduro Badan .. Wiil Shaqo La'aan Ah Oo Sadaqo Ula Baxay Laba Dollar Kadibna Alle Ku Risaaqay Meel Usan Wax Ka fileyn

Friday - July 1, 2022



Waxaa jiray Barnaamij Tv-ga ka baxayey oo Taakuleyn tabarucaad lagu uruuriyo .. Weriyihii barnaamijkaas daadihinaayey, wuxuu dad-weynaha u soo bandhigay xaaladda Bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso .. Bukaanka ma awoodi-karin inuu lacagtaas iska bixiyo.

Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo Wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan ..Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa Wiil lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu Bukaanka ugu tabarucay Lacag laba doolar (2$ ah) Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ doolar oo keliya?

Wiilki wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo Labadaas dollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay inaan Sadaqeysto!

Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8-Kun oo dollar wuxuuna yiri 4-kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.

Mid kale ayaa isna baxsaday 10-kun oo dollar wuxuuna  yiri 5-kun bukaanka ayaa leh 5-kunna wiilkii labada dollar baxsaday .. Sidaa ayey ku socotay oo qof walba oo lacag baxsaday wuxuu u kala qeybiyey bukaanka iyo wiilkii labada dollar baxsaday.

Dhammaadkii barnaamijka markii la gaaray lacagtii bukaanka qaliinka loogu sameyn lahaa wey dhameystirantay, Wiilkii Labada Dollar sadaqeystayna lacag 50-kun oo dollar ku dhaw ayuu helay.

Barnaamij kale ayaa wiilkii lagu casuumay si Lacagtii uu helay loogu wareejiyo, wareysina looga qaado, intuu barnaamijku socday waxaa Tv-ga soo wacay Tobanaan shirkadood oo raba Inay wiilka shaqo siiyaan.

Dulucda sheekadan waxay tahay: Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna wax kaa irsaaqayaa meel aadan fileynin. Nabigu (SC) wuxuu yiri: Sadaqo maal ma yareyso.