Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Faaiidooyinka Laga Helo Beerka Geela .. Wuxuu Qurxiya Maqaarka Iyo Muruqa .. Raganimada Oo U Kor U Qaado .. ILaaliyana Qofka In Uu Jirkiisa Difaaco

Friday - July 15, 2022


Halkan laguma soo koobi karo faaiddooyinka laga helo beerka geela .. Beerka geela waxaa ka buuxa vitamino kala gaddisan kuwaas oo tamar siiya jirka iyo xubna-yaasha kala duwan sida Maskaxda, Wadnaha Maqaarka, Caloosha iyo indha.

Beerka geel waxaa ku jira vitamino kala ceyn ah sida A,B2, B12, Irone-Birta Folate (B9) waxaana u qarsoon awoodo kale oo aan hoos ku xusi doona.

✓Vitamin "A" oo u fiican araga, qofkii laasimaa cunista Beerka geela wuxuu ka badbadaa indho la'aan sidoo kale vitamin "A" wuxuu hoos u dhigaa Caabuqa ku dhaca murqaha iyo kala goosyadda jirka.

✓Vitamim B2 magaca kale ee loo yaqaan waa Riboflavin wuxuu muhiim u yahay jirka iyo in ay helaan Tamar ku filan xubnaha sidoo kale wuxuu aburaa unigyada jirka wuxuuna kor u qadaa difaaca jirka.

✓Irone-birta waa asaase dhiiga Hemoglobinka wuxuuna kor u qadaa difaaca jirka inta badan qofka qaba dhig la'aanta waxaa loo qoraa Beer iyo dawada Tot hema oo afka laga jibiyo..

Halkan laguma soo koobi karo faaiddooyinka laga helo Beerka geel iyo cunistiisa waxaana la isku waafaqay Beer geelka in uu Raganimadda kor u qaado ilaaliyana qof in uu jirkiisa daciifo.

Beerka geela wuxuu qurxiyaa maqaarka iyo murqaha wuxuuna adkeyaa maqaarka, bal u fiirso dadka sida joogtada u cuna hilibka geela waa ka maqaar adag yihin dadka kale Ee SUBIXII KU QURAACO BEER GEEL.
Dr Cadceed