Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Yaa Ka Magan Gali-doona Seefta Lisan Ee Butin .. Gorgorki Butin Oo Qaaday Talaabo Cusub Oo Ka Nixisay Dalalka Yurub .. Reer Galbeed Oo Ku Dhacday Bohol U Isagu Sameystay

Tuesday - July 26, 2022



Shirkadda shidaalka Gazprom ayaa sheegtay inay mar kale aad u dhimi-doonto shidaalka ay siiso Yurub ee ay u marsiiso dhuunteeda shidaalka ee ugu weyn, sababo la xiriira shaqada dayactirka ee socota, 
Tallaabadan ayaa 20 boqolkiiba hoos u dhigi-doonta wax-soo-saarka Gaaska maalinlaha ah, marka loo eego sahayda hadda gaarta .. Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in aysan jirin sabab farsamo oo lagu xaddidayo gaaska.

Waxay u badan tahay in dalalka Midowga Yurub ay ku adkaanayso inay buuxiyaan keydadkooda gaaska ka hor xilliga qaboobaha .. Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1, oo Gaaska kasoo qaadda Ruushka kaddibna Jarmalka gaarsiisa, ayaa muddo toddobaadyo ah gaabis ahayd, waxaana horraantii bishan gebi ahaanba la xiray muddo 10 maalin ah si loo dayactiro.

Ruushka ayaa sanadkii hore gaarsiiyay Midowga Yurub 40 boqolkiiba gaaska uu soo saaro, Midowguna wuxuu Ruushka ku eedeeyay inuu gaaska u adeegsanayo hub ahaan.

Komishanka Yurub ayaa ku booriyay inay dalalku 15 boqolkiiba hoos u dhigaan isticmaalka gaaska toddobada bil ee soo socota, kaddib markii uu Ruushku ka digay inuu xaddidi-doono ama joojin-doono gabi ahaanba sahayda gaaska ah.

Marka la eego soo jeedinta, bartilmaameedka oo hadda tabarrucaad ah wuxuu isu rogi karaa mid la isku qasbo marka ay timaado xaalad degdeg ah .. Madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in rajada laga qabo in Ruushka uu jaro dhammaan sahayda gaaska ee uu siiyo Midowga Yurub ay tahay "xaalad macquul ah".

Maanta oo Tallaado ah ayaa lagu wadaa in wasiirrada tamarta ay ku kulmi doonaan magaalada Brussels, iyagoo isku dayaya inay saxiixaan qorshayaasha, Laakiin diidmo ayaa la filayaa inay ka timaado qaar ka tirsan dalalka xubnaha ka ah Midowga.

Isagoo ka jawaabaya hadalka shirkadda Gazprom, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in tani ay tahay "dagaal dhanka gaaska ah oo uu Ruushku ku hayo Midowga Yurub, ayuu yiri.

Qiimaha gaaska jumlada ah ayaa kor u kacay tan iyo markii uu Ruushku gudaha u galay Ukraine bishii Febaraayo, iyada oo saameyn ku yeelatay lacagta tamarta ay ku bixiyaan macaamiisha.

Gazprom ayaa sheegtay in dhimista sahayda gaaska ay billaaban-doonto berri oo Arbaco ah, iyadoo ay sababtu tahay cillad farsamo .. Hase yeeshee, afhayeen u hadashay wasaaradda dhaqaalaha Jarmalka oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP ayaa tiri: Sida aan xogta ku hayno ma jirto sabab farsamo oo hoos u dhigaysa in gaas la helo.

Hoos u dhigista sii socota ee sahayda gaaska ee loo sii marayo dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 waxay u badan tahay inay ku adkaynayso dalalku inay buuxiyaan keydadkooda Qaboobaha ka hor, marka isticmaalka gaasku aad sare ugu kaco.

Shikradda Gazprom ayaa gebi ahaanba joojisay sahaydii ay siin jirtay dalalka Belgium, Denmark, Finland, Nederland iyo Poland, kaddib markii ay diideen in ay u hoggaansamaan amarka dowladda Ruushka ee ah in ay biilasha ku bixiyaan lacagta Rouble, halkii ay ka ahaan lahayd Yuuro ama doollar.