Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Rumaynay Rabow Rumaynay Ee Na Raaci Rasuulkayaga Sharafta Islaanimada Nagu Beeray .. Maalmihi U Dhambeysay Geeridi Nabiga SCW

Friday - July 29, 2022





Nebigu wuxuu jiranaa 18-maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman-doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday .. Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi), Faaduma ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal",waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri:Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq.

Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miiyir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri Faadumo "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen".

Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa)adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".

Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Nin-yahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!

Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.