Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Maalin Adaa Leh Maalin Qayrka Ayaamihi .. Hawlgalki Xoreynta Degmada Ceelbuur Oo Hakad Galay

Monday - September 26, 2022



Dhuusamareeb – Sida ay ogaatay Galdogob Times waxaa fashilmay howlgalkii lagu xoreyn lahaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii khilaaf culus uu maanta ka dhashay hanaanka loo weeraro degaanka Ceel-lahelay oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dhamaan ciidankii duulaanka qaaday ee maalmihii lasoo dhaafay ka gudbay deegaanada Sinadhaqo iyo Laba-dulle oo gelinkii hore ee maanta Al-Shabaab ku hareereeyey degaanka Ceel-lahelay ayaa galabta ku laabtay Dhuusamareeb.

Sababta uu howlgalkaas u fashilmay waa khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ciidanka hoggaamineysa oo kala ah, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo ka soo jeeda Ceelbuur.

Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay inuu soo jeediyey in Al-Shabaab lagu duqeeyo degaanka Ceel-lahelay, kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo qeyb ka ah howlgalka ay arkeen goob ku taalla gudaha deegaanka, oo xubno badan oo Shabaab ah ay difaac uga jiraan.

Hase yeeshee Xildhibaan Dhegey Ugaas ayaa diiday in la duqeeyo magaalada, isagoo taas bedelkeed soo jeediyey in toos loo weeraro kooxda, si loo yareeyo khatarta soo gaari karta shacabka oo Al-Shabaab ay u diideen inay qaxaan oo isaga cararaan deegaanka.

Intaas kadib waxaa la sheegay in Jeneraal Odawaa uu amray ciidamada xoogga dalka oo lahaa cududa ugu weyn ee howlgalka inay dib ugu laabtaan Dhuusamareeb, halkaas oo caawa ay isugu tageen, dhamaan ciidankii la qorsheeyey inay xoreeyaan inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Wararka la helaayo waxay intaas darayaan in galabta ciidanka dhex loo galay oo Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow degaanka Laba-dulle, waxaana caawa Dhuusamareeb la gaarsiiyey dhaawacyada askar aan la shaacin tiradooda.

Gaadiid dagaal oo todobaadkii hore Muqdisho laga diray, safar dhulka ahna ku tegay Dhuusamareeb iyo hub iyo gaadiid kale oo diyaarado looga soo qaaday Muqdisho ayey wataan ciidanka dib uga soo laabtay howlgalkii xoreynta Ceelbuur iyo deegaano badan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin.