Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Maanta Waa Habeen Jimce Ee Rabiyow barakadaada Nogu Baraari .. Barakada Ay Leedahay Bisinka

Thursday - September 29, 2022




Xaajo La Yaab Leh .. Waxaa jiray nin u dhashay dalka Hindiya , ninkaaso ganacsade ahaa wuxuu isku cajabin-jiray sama-falka u markasta u sameeyo masaakiinta tuugsata, hasa-ahaate wuxuu isku mahadiyey sida u wax bixio oo wuxuu is yiri talow ma jira cid wax kaa bixin sadaqo badan

Kadib ganacsadihi waxay is barteen Nin Somali ah oo socdaal ku yimi magaalada Bombaay ee cariga Hindiya .. Ninki ganacsadaha ahaa wuxuu weydiiyey Somaligi haddi u arkay amase la kulmay qof sidiisa oo kale sadaqada u bixiya .. Somaligi isagoo jawaabaya wuxuu yiri " Haa waan arkay qof wax kaa bixis badan oo wuxuu jooga magaalada Cadan" .. Ganacsadihi Hindiga isagoo jawaabtaas u qaadan-waayey wuxuu ka codsaday iney is raacaan oo u ninkaas indhiisa ku soo arko

Dabadeed ninki Hidiga ahaa iyo Somali iyagoo wada socda waxay tageen magaaladi Cadan .. sidi ballantu ahayedna wuxuu somaligi ninki Hindiga kor ka tusay ninki u ku sheegaayey inu ka sadaqo badan-yahay .. ganacsadihi Hindiga isagoo isu ekeysiiyey Miskiin Tuugsanaaya wuxuu u soo galay Dukaanki deeq bixiya oo tuuksaday, waana la siiyey sadaqadi .. markale ayaa Hindigi tuugsi ugu soo noqday dukaanki oo ilaa sadex cisho ku soo noq-noqonaayey intaasna sadaqada waa la siinaayey.

Ganacsadihi Hindiga isagoo la tacjubsan xoolo-yarida ka muuqata ninkaas dukaankiisa iyo Sadaqada kala go' aan lahayen u bixinaayo ayaa qiray in ninkaas ka xoolo-yaryahay isla markaana ka deeqsi badan-yahay, sidaa daraadeed ganacsadihi Hindiga oo taajir dacfuray ah wuxuu nikni u keenay Kiish Dahab ah oo yiri " Walaalow sida aad wax u bixineyso iyo awoodaada dhaqaale isma lahee ee ii sheeg sirta meesha ku jirta"

Ninki oo u jawaabaya wuxuu yri "Walaal waxaan aaminsanahay Sadaqo ineysan xoolo nuqsaamin, anigana waxaan gadaayo iyo waxaan bixinaayo Bisankaan u qabta" wuxuu kalo u sheegay inusan Daha u baahneyn, balse ku iimaan qabo inta ilaahay siiyey