Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Baraarujinta Jimcaha: "Sheydaanku Cadow Ayuu Idiin Yahay"

Thursday - July 17, 2008

Waxaa diyaariyey Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)

Shaydaanku wuxuu qofka u istaagaa wado kasta oo uu qofku doono inuu maro isaga oo isku dayaya inuu dhumiyo, shaydaanku waa cadow sidii uu Nabi Aadam uu ugu ahaa cadow ayuu qof kasta ugu yahay cadow, Ilaahay wuu noo sheegay waana nooga digay wuxuuna noo cadeeyay dariiqa shaydaanka.

Wuxuuna allaah quraanka ku yiri:{dhaldhalaalka aduunka yaanu idin dhagrin, shaydaankuna sidoo kale yaanu idin dhagrin inta uu wax idiin qurxiyo aad raacdaan, shaydaanku cadow ayuu idiin yahay ee ka dhigta cadow (faadir }. Aayad kale Allaah wuxuu ku leeyahay {islaamnimada wada gala si guud hana raacinina talaabooyinka iyo wadooyinka shaydaanka.} al baqara. Markii uu sharcigu noo cadeeyey dhagarta iyo hagardaamada uu shaydaanku wado iyo waliba wadooyinka uu kaa soo gali karo ayaa waxaa naloo tilmaamay waddo kasta iyo sida laysaga ilaasho hagardaamada iyo shartiisa.