Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 23 April 2018
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Cilmigi Iyo Aqoonti Nabi Khadar NNKH
Friday - July 1, 2016
Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu noolaa xilligii Nabi Muuse Iyo Nabi Haaruun (N.N.K.H), waxaanu ahaa Nin Eebe ku manaystay cilmi iyo aqoon, magiciisa Khadar waxa loogu bixiyey, waxa la dhahaa meel kasta oo uu tago waxay noqon jirtay Akhdar (doog) sidaas awgeedbaa loogu magac daray Khadar.
Nabi Khadar (N.N.K.H) waa laysku khilaafaa Nabi-nimadiisa, culumada qaarbaa aaminsan inuu ahaa Wali, balse waxa xoog badan inuu ahaa Nabi sababtoo ah waa loo wax-yoonayey. Qisadiisana waxa uu Eebe kaga warramay Suuratu 18aad ee Al-kahfi.
Maalin maalmaha ka mid ayaa Nabi Muuse, isaga oo khudbadeynaya la waydiiyey yaa kaa cilmi badan Nabi Muusow, kadibna Muuse waxa uu yiri aniga ayaa idiinku cilmi badan. Kalmadaas ayaa Nabi Muuse Eebe ku canaantay, waxaanu ku yiri Muusow adoon ka mida adoomadayda ayaa kaa cilmi badan, Nabi Muuse gafkii kumuusan adkaysanine waxa uu Eebe waydiistay adoonka ka aqoonta badan, waxaanu Eebe ku yiri waa adoonkayga Nabi Khadar .
Nabi Muuse,waxa uu jeclaysatay inuu aqoon ka raadsado adoonka wanaagsan ee Khadar, kadibna Eebe wuxuu u tilmaamay inuu Nabi Khadar ka helayo meesha ay labada Badood iska yimaadaan (ku kulmaan) waxaana la siiyey calaamad uu ku garanayo markuu gaaro goobtaas.
Calaamadu waxa weeye Kalluun uu Nabi Muuse ku sitay kiish ama sallad, Kallunkaasi marka la waayo ayuu helayaa Nabi Khadar .. Nabi Muuse, waxa la socday wiil dhalinyaro ah waa Yuushac Ibnu Nuun oo isaguna Nabi Muuse kadib noqday Nabi. Kalluunkii waxa soo qaaday wiilkii Muuse ee Yuushac.
Nabi Muuse iyo Yuushac,waxay raaceen Doon , kadibna waxa uu gaaray goobtii ay labada badood iskaga darsamayeen, kumanay baraarugsanayn inay goobtu tahay meeshii ay rabeen sababtoo ah way daalanaayeen, kadibna Nabi Muuse waa seexday dhagax dushii, intii uu hurday Nabi Muuse ayaa kalluunkii ka baxay Kiishkii galayna Badda.
Nabi Muuse (N.N.K.H) waa ka kacay hurdadii waxayna sii wateen socodkii, balse markay mudo socdeen ayuu Nabi Muuse ku yiri Yuushac inoo soo saar cunto, safarka waxaan kala kulanay daal iyo baahiye (gaajo) .. Yuushac waxa uu ku yiri Nabi Muuse ma xasuusataa goobtii aan ku degnay, halkaas buu kalluunkii ku baxsaday, waxaana i halmaansiiyey Shaydaan inaan kuu sheego. Nabi Muuse inta uu farxay ayuu ku yiri Yuushac dib inoo celi, waa halkaynu u soconay goobtaasi, kadibna way noqdeen oo raaceen raadkoodii.
Markay goobtii yimaadeen ayey heleen Nin dhulka jiifa, hareertiisuna tahay doog (Akhdar). Nabi Muuse waa salaamay Khadar kadiban Nabi Khadar maradii inta uu iska qaaday, ayuu ka qaaday salaantii dhahyna saw ma tihid Muuse Ibnu Cimraan ee reer Banu Israel. Nabi Muuse waxa uu dhahay sidaad igu garatay, Nabi Khadarna waxa uu yiri waxa ii kaa sheegay Eebahay. Is waraysi kadib ayaa Nabi Muuse yiri waxaan doonayaa inaan ku raaco si aan wax u barto.
Nabi Khadar waxa uu yiri Muusoow ma Xamilaysid mana sabraysid, oo sidaad ugu sabri ama u xamili wax aanad cilmi u lahayn! Muuse waxa uu yiri waad i hali (inshallah) mid ku samra oo kugumana caasiyayo arrinta .. Wuxuu yiri Nabi Khadar (N.N.K.H) haddaad i raacdo hay waydiin waxba intaan kaaga sheegayo fasirkeeda.
Nabi Muuse iyo Nabi Khadar way baxeen, waxyna koreen doon , markay doontii raaceen ayuu Yuushac ku noqday qoomkiisii, ayagana wax lacag ah lagama qaadin.
Doontii ayaga oo saaran ayey arkeen qoollay afka ku qaadanaysa biyo badda dhexdeeda, markaasuu Nabi Nabi Khadar ku yiri Nabi Muuse ma u jeedaa qoolaydaa afka biyaha ku qaadanaysa, maxay ka dhintay biyaha badda .. Nabi Muuse waxa uu yiri waxba kamaysan dhimin, markaasuu Nabi Khadar dhahay Muusoow cilmigaaga iyo kayga waxay u dhigmaan biayaha ay qoolaydu qaaday, cilmiga Eebana waa sida badda oo kale.
Siday doontii u soconaysay ayuu Nabi Khadar (N.N.K.H) rujiyey mid kamida looxaydii doonta, Nabi Muuse (N.N.K.H) waa yaabay oo waa is hayn kari waayey, kadibna waxa uu yiri maxaad u daloolin doonta, ma waxad rabtaa inaad dadkeeda qarqiso waxaad la timid arrin xun oo la kahdo.
Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu ku yiri miyaanan kugu dhihin adigu ma karaysid inaad samirto. Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu yiri ha ii qabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn arrinkayga si dhib ah.
Fiiro Gaara: Qisadaan oo ah mid dheer fadalan inta ka hartay ka akhriso Suuratal Kahaf
Hits : 2200
Featured Post
Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah
Full Story
Xasuus Taariikheed Oo Ileys Weyn Ku Ifisa Xaqiiqooyinka .. Yaa Dilay Cabdirashid Cali Sharmaarke ? Maxaase Loo Dilay
Full Story
Boholyooga Caashaqa: Amirad Reer Jaban Oo Maratabadi Mansabka Ay Ku Lahayd Dalkeeda Uga Tanaasushay Wiil Ay Caashaqday Dartiis
Full Story
Waa Qiso Lagu Cibrad Qaato Oo Ku Qotanta Inaan Laga Maarmin Waayo-Aragnimada Iyo Dhago U Raaricinta Dadka Waayeelka Ah
Full Story
Taariikhda Aan Barano .. Sayid Maxamed Cabdille Xasan Sidee Buu Ku Noqday Dariiqada Saalixiya
Full Story
Sheeko .. Sidee Ugu Dhawaana Ilaahay
Full Story
Badda Aw-da Haysa .. Xiddigaha Cirka Sare Gurguuranaya Iyo Faalkii Nostradam U Ina-Habreedki "Falaga" U Ka Wareystay Donald Trump
Full Story
Wacdarada U Dhigi-doono Beenaale Masiix Dijaal Iyo Sida Marka Dambe Loo Dili-doono
Full Story
Wixii Aan Shib Ka Ahaa Maantaan Sharxaya .. Qormo Kooban Oo La Xariirta Noloshi General Maxamed Cali Samantar
Full Story
Saxaabigi Dhambal Side Cabdulaahi Binu Xudaafa: Waa Geesigi Qoraalkii Rasuulka s.c.w Gaarsiyey Boqorkii Kisra Ee Furus (iiraan)
Full Story
Waa Sheeko Iyo Murti Xikmad Ku Fadhida Oo Ku Socota Qofkii Aan Ka Fiirsan Ama Ka Baarandagin Ereyga Uu U Isticmaalayo Hadlkiisa
Full Story
Xikmad Aad U Qiimo Badan Oo Laga Xigtay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metwali Shacraawi
Full Story
Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Habeeyn ( Alfi Laylah Waa Laylah)
Full Story
Hambalyo Is Wada Dhaaftay .. Ahlu Suna Wal-Jamaaca Ee Diinta Iyo Dariiqada Daadihiya Ee Goobolka Mudug Oo Hambalyo U Soo Dirtay Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed
Full Story
Wax Ka Ogow Cudurka Dhiig Karka Ee Dilaaga Ah
Full Story
Yacquub Mandela Walks Free .. Maxkamada Oo Garwaaqsatay In Xeer-ilaaliyaha Dawladda U Jilaayey Film Bila Aktor Ah Oo Meel Uu Ka Bilowdo Toona Aan La Aqoon
Full Story
Cabista Biyaha Kulul Oo Laga Helo Faaiidooyin Caafimaad
Full Story
Madaxweyne Siyaad Barre " U Dulqaata Waa Kaas Nabsigu Idin Dul-joogee"
Full Story
War La Xariira Doorashada " Mubaayacada" Ugaaska Tanade/Leelkase
Full Story
Boqor Hayle salaase iyo M/weyne Siyaad Bare Oo Ka Wada Hadlay Qadiyada Ogaadeenya
Full Story
Culimadi Iyo Fuqahadi Reer Tanade Ee Dacwada Fidinta Islaamka Ka Waday Bari Iyo Bartamaha
Full Story
WiKiLeaks Galdogob Times Oo Soo Bandhigtay Sababihi Jeelki Dheeraa Ee Digtoor Yuusuf S. Bardacad
Full Story
Ladiid Iyo Lafo Tanade
Full Story
Dad Waa Laga Quuste Show Rag Baa Nool . Keyr Qabe Suldan Xasan Oo Soo Nooleeyey Rajadi Naxashka S.
Full Story
Qiiso Dhaba Oo Qof kast Musllim Ah Ka ilmeysiisey .. Waad Khushuceysa Hadaad Akhriso
Full Story
Xasuus Taariikh .. Xukunkii Xaakim Qarqoosh Ee Sida Xun Ugu Dharaqsaday Cadaalada
Full Story
Qiso .. Dameerkii Magaciisa Nacay, Kaluun Qoorta Surtay
Full Story
Qisadi Dilka Nabi Yaxye Bin Zakariya CS
Full Story