Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Shir Looga Hadlaayo Qaabka Loo Soo Xuli-doono Ergooyinka Dooran-doona Xubnaha Aqalka Hoose Oo Garowe Ka Furmay

Wednesday - August 24, 2016



Shir ay soo qama-qaamiyeen xubnaha hirgalinta doorashada 2016 ee Puntland iyo xubno ka socday gudiga hirgalinta doorashada ee heer fedaraal ayaa maanta ka furmay hoolka paarlamaankA Puntland ee Garoowe .

Shirka oo socon-doona muddo sadex cisho ah, waxaa ka qayb qaadan-doona isimada puntland, iyadoo diirada lagu saari-doona qaabka loo soo xulaayo 51 xubnood ee la rajeynaayo iney soo kala saaraan dhamaadka biishaan iyo bilawga bisha danbe musharaxiinta u baratamaaya ka mid noqoshada Aqalka hoose ee Somaliya, kuwaaso Puntland u matali-doona afarta sano ee soo socota barlamaanka somaliya.

Shirkaas waxaa ka hadlay Saciid Jaamac Qorsheel oo ka mida ah xubnaha guddiga hirgalinta doorashada Somaliya ee heer fedaral oo ka hadlay madasha shirka ayaa saxiixayaasha xubnaha Aqalka hoose ee Somaliya u sharxay wax-yaabaha looga baahanyahay 51 ergo ee kala saaraya dadka u sharaxan xubnaha Aqalka Sarea.
Ugu Dambeynti baarlamaanka Somaliya oo ka kooban 275 xubnood ayaa waxaa u baratamaya in ka badan 1000 Qof, waxaa kala saaraya ergo ka badan 14-kun, kuwaaso laga kala soo xulay beelaha Somaaliyeed, iyado la dhaarin-doono kadib xulitaankooda 20-ka bisha Sagaalaad si ay u doortaan guddoomiyaha baarlaaanka iyo madaxweynaha Somaaliya xukumi-doona Afarta sano ee soo socota.
Dhinaca kale waxaa shirkaas beesha Tanade daarood uga qayb galay Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed iyo Suldaan Subeyr